Wasiir Cukuse Oo Kaftan Aanay Jeclaysan Ku Miisay Laba Wasiir Oo Ay Xukuumadda Ka Wada Tirsan Yihiin

0
777

Kulan dhawaan lagu soo dhaweeyay waftigii xisbiga KULMIYE Ee Oo Uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi lagu soo dhaweeyey magaalada Birmingham ee carriga Ingiriiska oo ay joogeen wasiiro iyo masuuliyiin ka mid ah xisbiga Kulmiye ayaa waxa goobtaasi waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa wasiirka xannaanada Xoolaha Somaliland Mr. C/laahi Cukuse kaasi oo hadali aanay KULMIYE jeclaysan ka jeediyey madashii lagu soo dhaweeyey.
Wasiir Cukuse oo qudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa markii uu masraxa istaagay gabi ahaanba ka leexday mawduucii shirka waxaana uu weearar qaawan ku qaaday wasiirro ka mid ah xukumadda uu ka tirsanyahay waxaana uu ugu horayntii weearar toos ah ku qaaday wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu dhaliilo ku miisay isaga oo ku dhaleeceeyay dadka sida baaxadda leh looga shaqaalaysiiyay xukumadda Siilaanyo ee ka soo jeeda ama yimid magaalada Birmingham in uu wasiir Maxamuud Xaashi uu ka danbeeyo oo uu isagu dadkaasi ku soo daabulay xukumadda oo uu shaqaalaysiiyay.
Waxaana uu weerarkaasi ku xigsiiyay wasiirka caafimaadka Somaliland Xaglo Toosiye oo uu sheegay in uu shalay ahaa mucaarid halis ah maantana uu yahay muxaafid u daacad ah Somaliland isla markaasina uu ka faa’iidaystay dumuquraadiyada Somaliland ka hana qaaday, waxaana sidoo kale uu Cukuse weerar ku qaaday oo goobtaasi joogay Maxamuud Raage, oo hadda ka mid ah shaqaalaha madaxtooyada ka hawlgala horena u ahaan jiray sarkaal ka tirsan xukunadda Siilaanyo dhawaana ka baxay xisbiga Waddani ka hor intii aanu mar kale ka mid noqon xukumadda Siilaanyo, waxaana uu Cukuse Maxamuud Raage ku dhaliilay ama ku sheegay nin samir daran oo deg dega.
Hadallada weerarka ah ee uu wasiir Cukuse ka jeediyay goob mihiim u ahayd xisbiga Kulmiye, xili ay xisbigaasi la daalaa dhacayeen xubnihii garabkii is bahaysiga Kulmiye ee ku biiray xisbiga Waddani ayaa uu wasiir Cukusena lugta ku sii walaaqay shirkii balaadhnaa ee uu gudoomiye Muuse Biixi xaadirka ku ahaa ee uu kula hadlaayay tageerayaal aad u tiro badan oo isga kala yimid magaalooyin dhowr ah oo ka mid ah dalka UK.