Sheekh Aadan Siiro Oo Lagu Wadu Inu Ka Dhex Hilaaco Xisbiga Waddani Maxa Ka Jira?

0
1133

Sheekh Aadan X.Maxamuud Xiiray(Sheekh Aadan Siiro) iyo weli ba Koox Culmi ah oo uu hoggaaminaayo, oo ka mid ah culimada ugu waaweyn dalka, ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda  ku biiri doonaan bahweynta Xisbiga  Mucaaradka ah ee WADDANI.

Illaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo amuurtan la xidhiidha oo ka soo baxay dhanka Sheekh Aadan Siiro iyo Xisbiga WADDANI, balse sida ay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in Masaajidka uu Imaamka ka yahay ee Hargeysa ay kaga dhawaaqi doonaan badheedhahooda siyaasaddeed, waxaanaay si toos ah u shaacin doonaan in laga billaabo jimcaha soo socda ay ka mid noqon doonaan Xisbiga WADDANI.

Wararku, waxa ay intaas ku darayaan in Sheekh Aadan Siiro iyo Culimaa-uddiinka uu hoggaaminayaaba ay go’aankaas qaateen ka dib wada-hadalo maalmahii u dambeeyey u wada socday Xisbiga WADDANI oo laga gaadhay is-afgarad iyo af-faham ba, sida oo kale na lagu heshiiyey in ay Culimaddaasi ku soo biiraan Xisbiga WADDANI

Xisbiga WADDANI, ayaa toddobaaddadii ugu dambeeyey, ay ku soo biiraayeen siyaasiyiin miisaan weyn ku leh saaxadda siyaasadda dalka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Xisbiga WADDANI u fooladeyn doono siyaasiyiin iyo taageerayaal aad u miisaan culus oo ku soo biiray Xisbigaasi.