“XIRSIGII AMMINTU I BARTAY” W-Q Cabdinaasir Axmed Abraham.

0
544

Mahad idilkeed Rabbi baa leh,xumaan oo dhan ka madhnaaye. Hakis-bila barkhadeed iyo barqo-san. Wanaagsan goor kasta oo dhambaalkaygani idin soo gaadha ba. Waa barwaaqo iyo raaxo-dhaadhi, xagayaga guud ahaan Soomaalilaan, gaar ahaanna, Hargeysa oo ah goobta aan dhambaalkan ka soo dirayo. Idinna kub kasta oo aad Carro-edeg ka joogtaan, Mawle ha idinku dhowro, hana idiin samaato.
Illeen adhi shugux-shugux kama ilbaxo. Waa maahmaah Soomaaliyeed, waxa sidoo kale Iyana Soomaalidu adeegsataa, murtida tidhaa; Illowsha dhowaa, ma ummul baa? Waxa aan intaa ku darayaa Murti-maanseedda tidhaa; “Haddaan gu’ga kuu kordhaa, gabow mooyee ku tarin, garaad iyo waayo arag, Illeen waxa ma dhaantid geed.”
Waxa kale oo jirta murti-maanseed aan aad uga helo, ina cajebisay, Iyana waxa aan jeclaystay in aan iskala kiin wadaago, waxa ay tidhaa; “Dabkii waa hore ku gaba, Dambaska waa laga guraa, Haddaad dib ugu joogsatana, Adiyo doqonniimadaa,”
Halkan Qiimaha badan; Somaliland waa goobta aan adduunka ugu jecelahay, waxa taal xoriyad dabarka goostay, dadku way maskax furan yihiin, bulshadu waa bulsho falanqayn iyo gorfeyn badan marka ay noqoto dhacdooyinka dhaqan dhaqaale ama Siyaasadeed. Nimco wali ba nusqaan lehe, iinta ugu weyn ee sida ta daa’uuska oo kale jalbiga dilaacinaysaa waa in ay yihiin “Bulsho shalaydeeda ilowda! Dhismaha mustaqbalkana taariikh baa bud-dhig u ah, Go’aamada nololeed ee Aadamuhu gaadhayo wuxu ku saleeyaa, casharradii laga bartay tagtay, xaaladda maanta, xogta sahan intaas oo la isku shiilay ayaa odoroska mustaqbalka laga sameeyaa. Wax ba yaan hadal-tiraalaha badane, aan u soo gundo-dego, abaarta qoraalkayga.
XIRSIGII AMMINTU I BARTAY; Xirsi Xaaji Cali Xasan muddo 6sanno aan ku qiyaasayo ayuu ahaa baarqab ka hor doobya”Buulka Cas ee Qaranka Somaliland looga arrimiyo.” Walow, uu raad-barad siyaasadeed ahaa oo dheeldheeligiisii badnaa ay malaha ku qumanayd in loo cudur- daaro, hasa yeeshee, arrintu taas ma joogto e, waa ( Saca gawrac, wayshu ha ku quusatee)
Waayuhu waxa ay I bareen;
– Xirsi awoodda dawladnimo ku takri-fala.
– Xirsi Karti badan oo shaqo badan.
– Xirsi aan dulqaadan, oo aarsada, xataa, haweenka.
– Xirsi ballanta aan ka bixin.
– Xirsi hanti-qaran dhacay.
– Xirsi aan xafiiskiisa laga waayin.
– Xirsi wadaad ah oo abuubula, isla markaana ka shaqeeya xukuumad ay gadhwadeen u yihiin wadaadadu.
– Xirsi ku dhiiraday mashaariic waaweyn oo ummadda anfacay.
– Xirsi ka shaqeeyay inqilaabkii dhicisoobay.
– Xirsi gabya.
– Xirsi magac aan nidaamka dawladnimada meelna kaga jirin in uu ku shaqeeyo jecel.
– Xirsi Mujaahid ah oo Kaare dul maray oo aan waxba noqon…
– Xirsi sameeyay ganacsato yaryar oo badan.
– Xirsi dhiiri-galin jiray dhallinta jaamacadaha dhammaysata.
– Xirsi ra’iisal wasaare ah.
– Xirsi Khudbad sannadeedka madaxweynaha jeedaya.
– Xirsi garsoorka faro-galin qaawan ku hayay.
– Xirsi ka qayb qaatay burburintii saxaafaddii xorta ahayd.
– Xirsi faana oo awood is-bida.
– Xirsi madaxnimada boholyow u qaba.
– Xirsi ammaanta jecel.
– Xirsi kacaan ah oo macallinkiisa siyaasuna kacaan yahay.
Waxa aan ku so oaf-meerayaa meerisyo aan ka soo dheegay, maansada Heeliyo ee uu curiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame”hadhraawi” Nin ammaanta heesaha, u hamuumayaad tahay.”
“Hibo iyo nm madaxnnimo, u haliilayaad tahay.”
“Nin waxaanu hidin karin
isku hawlayaad tahay.”
“Nin Waxaan la heli karin
u harraaddan baad tahay.”

Comments

comments