“Waxaanu Ku Heshiinay In Aanu WADDANI U Maamulno Sida Aanu Doonayno, Waxana La Ii Ogollaaday Inaan…..”

0
1118

Waxa Loo Baahan Yahay  Hoggaamiyayaal Daacad Ah Iyo Weliba Siyaasiyiinta Oo Ciidammada Hawshooda U Daaya, In Hantidhawrku Uu Madaxbannaanaado Iyo  In Xaakinku Uu Madaxbannaanaado

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay arrimo badan oo taabanaya dhinacyada caddaaladda, ammaanka, dhaqaale abuurka iyo  weliba sidii loo abuuri lahaa siyaasado wax ku ool ah oo kor loogu qaado horumarka waddanka.

Muuse Biix Cabdi oo khudbad u jeediyey jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Birmingham ee dalweynaha UK, ayaa ugu horrayn ka hadlay  waxyaabaha uu xisbiga KULMIYE bulshada la hor imanayo muddada shanta sano ee soo socota si uu hoggaanka dalka mar labaad ugu guulaysto, waxana uu hoosta ka xariiqay inuu KULMIYE yahay xisbi waayo arag ah oo ku gaamuray xaaladaha dalka ka jira, “Waxa dadku is waydiinayaan shanta sanno ee soo socda doorashadan KULMIYE muxuu soo wadaa? KULMIYE wuxuu la imanayaa fagaaraha. Horta bani’aadamku markuu shaqo tagayo qofka waxa la yidhaa shahaadadaa ayuu sitaa oo cilmigaas ayuu soo bartay, dabadeedna waxa la waydiiyaa waayo-aragnimadiisa, markaa qofba qofka uu ka waayo-aragsanyahay ayuun buu shaqada ugu horreeyaa

Xisbi ahaan KULMIYE waa xisbiga keliya ee waayo-aragnimo sita ee dhawr iyo toban sanno soo taagnaa ee dhacay ee ka tagay, ee guulaystay ee waxtaray ee dal iyo dadba waxqabtay, markaa xisbiyada waanu wadanahay oo shahaado ayaanu wada sidanaa, laakiin waayo-aragnimo ayaanu dheernahay xisbiyadana nala tartamaya.” Ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu guddoomiyuhu intaas ku daray, “Waxa kaloo aannu dheernahay waxqabadkayagii hore oo aannu leenahay doorkan intaana waanu haynaa. Waxaannu haynaa ruug-caddaagii xisbiga aasaasay oo Madaxweynaha Qaranka ah oo taariikh badan ku leh oo maanta qof waliba halkiisa ku ixtiraamayo oo aan is odhan karo malaha isaga iyo Marxuum Ina Cigaal ayuun baa loogu ixtiraam badan yahay, isaguna wuu joogaa Ilaahay cimriga ha u raajiyeen oo talada iyo halkaa ka qabta nagu barbartaagan, waanan hubaa haddaannu isagu joogin in aannu KULMIYE maanta halkaa joogeen, weliba sannadihii u dambeeyey haddaanu isagu xisbiga isu qabanayn oo aannu dhexda u xidhan.”

Haddaba, qoladiinan cusub ee KULMIYE maxaad waddaan? Waxaannu wadnaa siyaasaddii hore ayaanu dhisaynaa, waxaannu wax ka bilaabaynaa saddex qodob ayaa noo yaala oo doonaynaa taageerayaashayaduna inay nagu taageeraan, haddaad qaar kale oo cusub nagu biirisaana waa wanaag.”

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si cad u sheegay inay xisbiga KULMIYE ka go’an tahay ilaalinta iyo xasilinta nabadgelyada, waxana uu xusay in ammaanku yahay waxyaabaha qabyaaladda lagaga baxo,  “Marka hore si aad wax u qabato waxa loo baahan yahay nabad, waynu haynaa nabaddii waa la dhisay 25 ayaa la dhisayey, waxase jira nabad iyo amni oo ah laba kala duwan, KULMIYE haddaynu nahay waxaynu dhisaysaan amniga oo sii xoojinaynaa, amnigu waxa weeye in qofka muwaadinka ahi nabadgalyadiisa helo isagoo laga ilaalinayo hagar-daamo oo xorriyadiisa haysta, Somaliland waxay u baahan tahay in aynu amniga sugno, amnigu wuxuu tarayaa qofka muwaadinka ahi qabyalaadda ka korimaayo ilaa uu aamino qaran amnigiisa ku filan, marka qofka wax ku dhacaanba wuxuu odhanayaa tolaay yaa reer hebelaay, kadibna waxa soo baxaya caaqilkii, suldaankii iyo af-miishaarkii, waayo muwaadinkii ma aaminasa amni ku filan markaa reer buu dabagalinayaa, si aynu dadka uga saarno qabyaaladda waa in amnigu sugnaado oo ciidankeennu noqdaa qaar qof muwaadinka amnigiisa suga isagana aanay hagar-daamayn si uu iyaga u aamino oo uu ugu dacwoodo.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Mar uu guddoomiyuhu ka hadlayey muhiimadda ammaanku u leeyahay horumarka waddanka iyo shaqo wanaagga, waxa uu yidhi, “Arrintaa si loo hirgeliyo waxa loo baahan yahay dhaqaale, tababar iyo hoggaamiyayaal daacad ah iyo weliba siyaasiyiinta oo ciidammada hawshooda u daaya, in Hantidhawrku uu madaxbannaanaado oo aannu siyaasigu faraha la gelin, in xaakinku uu madaxbannaanaado oo aannu siyaasigu faraha la galin, markay intaasi isugu keen hagaagto ayuu amnigu sugmayaa, dabadeedna waxaynu helaynaa dawlad wanaagsan oo sees u ah horumarka iyo awoodda.

Caddaaladda iyo sinaanta, ayuu guddoomiye Muuse Biixi si mug leh u sharraxay, waxana uu xusay inay caddaaladdu fure u tahay horumarkasta oo uu bani’aadamku gaadho, “Si muwaadinku wax soo saar u yeesho, dalkana u aamino oo horumarka uga qaybqaato waxa amniga ku lammaan caddaaladda, haddii sharciga dalku shaqayn waayo ama qaybina shaqayso qayb kalena shaqaynwaayo markaa dalku dhismi maayo, la isna aaminimaayo, haddii ninka awoodda leh ama wasiirka ah la taabanwaayo inankiisa, ka miskiinka ahna la cabudhiyo, haddii ninka lacagta leh ama shirkadaha waawayn laga qaadiwaayo cashuurta, islaanta suuqa joogtana laga qaado waxa lumaya is aaminkii, markaa waa in sharcigu shaqeeyo. Qodobkaasina waa hawsha labaad ee aannu doonayno in aannu beddelno shanta sanno ee soo socda, waana hawl ka adag kuwii hore.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Caddaalada, ayaa si cilmiyeysan guddoomiyuhu soo dhexgeliyey shaqada hay’adaha kala duwan ee qaranku hayaan iyo sida loogu baahan yahay inay wakhtigii loogu talo galay bulshada u shaqeeyaan, waxana uu yidhi, “Si arrintaa loo gaadho oo caddaaladda laga dareemo guryaha, waa in xaakinkii dilka xukumayey ee tuugga xukumayey isaga amnigiisa la ilaaliyo, inuu helo dhaqaale ku filan iley haddii uu garsooruhu gaajoonayo caddaalad samayn maayee, inuu helo sharcigii uu wax ku xukumayey oo midaysan oo Baarlamankeenu shaqeeyo waqti badan si uu u ururiyo sharciyada kala duwan ee garsoorku isticmaalo si loo mideeyo, markaa waxa inoo yaala in aannu Baarlamanku shaqayn 12 saacadood bishii oo dhan, waayo waxay yimaadaan 10:00 subaxnimo 12:00 duhurnimona way baxaan iyadoo waliba maalmaha qaarkood aan waxba qaban, waana hay’addii sharciga ee ugu sarraysay dalka. Wasiirradu markay xafiiska yimaadaan waa in aanay ka cararin intay waqti yar fadhiyaan.”