Madaxwayne Kuxigeenka Kooxda Khaatumo Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Wadahadalka Kooxdaasi Kula Jirto Somaliland

0
1089

“Dadka reer Khaatumo dal iyo dibad-ba waxaan ugu baaqaya inay taageeraan xoraynta iyo midnimada Khaatumo” Cabdalle Maxamuud Caga-lule

Madaxwayne kuxigeenka kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cagalule ayaa cirka ku sii shareeray khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo madaxwaynaha kooxdaas Cali Khaliif kadib markii uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah wadahadalka ay kooxdaasi kula jirto Somaliland, isagoo sheegay inuu Cali Khaliif raacay jid aan ahayn kii kooxda loo jeexay.

Cabdalle Maxamuud Cago-lule ayaa sheegay inuu Cali Khaliif khiyaamaynayo dadka deegaanka isla markaana uu laba wajiilanimo kula dhaqmayo, kadib markii uu wasiir ka mid ah golahiisa wasiirada u diray Hargeysa isagoo farriin gaar ah ka sida Cali Khaliif waa sida uu hadalka u dhigaye, waxana ka mid ahaa hadalkii Madaxwayne kuxigeenka Khaatumo:

“Anigu aragti ahaan ma qabo inay haboon tahay in Somaliland wadahadalkeeda lagu deg-dego, maadaama aad moodo in xidhiidhka u dhexeeya madax-dhaqameedka iyo maamulka khaatumo inaanu ahayn mid hanaqaad ah, haddii waxa lala gole tagayo iyo cidda gole tagaysaaba ay ku jirto jeebka Madaxwaynaha taladaasi mid lagu tanaadayo maaha, mid lagu gaadhayo mawqifyada iyo danaha aynu leenahay maaha, umadda reer Khaatumo waxbaa loo doortay xorayn ayay ahayd sumad ayay lahayd way cadayd, labadii sano ee la so dhaafay Madaxwaynuhu wuxuu nagu hogaaminayay dariiqaas mid aan ahayn, waxaa naloo bislaynayay ku dhawaanshaha siyaasadda Somaliland, Markii uu Cali Khaliif lahaa Hargeysa uma socdo waxaa Hargeysa ku sugnaa wasiir kamid ah wasiirada Khaatumo oo farriin khaas ah oo Madaxwaynaha ka socota siday”.

Sidoo kalena Madaxwayne kuxigeenka Kooxda nabad-diidka ah Khaatumo ayaa baaq u diray dadka deegaankaasi, isagoo sheegay in loo baahan yahay wax uu ugu yeedhay wadatashi, waxaana uu yidhi:

“anigu waxaan leeyahay umadda reer Khaatumo dal iyo dibadba isku tashi aayahooda ah maanta wax waliba way cadyihiin waana markhaati ma doon ah, haddii wixii tacabku ka galay ay rajo ka qabaan ay taageeraan mabda’a ah xorayn iyo midayn ayaan u s jeedin lahaa”.