Hogaamiye Xirsi Oo Fasiraad Ka Bixiyey Mansabkiisa Cusub Iyo Maxamed Biixi Yoonis Oo Cadeeyey Inuu Ka Tartamayo WADDANI Dhexdiisa

0
1263

“Waxaan WADDANI Ka helay KULMIYE kamaan helin Waayo Waxaa La Ii Ogolaaday Inaan (Cirro) La Tartamo..” Maxamed Biixi Yoonis

“Ilaahay Ayaa Awood Leh, Mansabkan-na (Hogaamiye) Waa Mid Dunida Ka Jira Awoodihiisana Waxaa Lagu Cadaynayaa…” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Murashax Maxamed Biixi Yoonis sidoo kalena ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee Somaliland iyo wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay sababta ay ugu biireen xisbiga WADDANI iyo heshiiska ay kala saxeexdeen.

Ugu horayn Murashax Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay waxyaabaha ku kalifay inuu biiro xisbiga WADDANI, halka uu ku dambeeyey hankiisii siyaasadeed iyo inuu Cirro kula tartami doono Murashaxnimada xisbiga WADDANI.

Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Waxa nagu kalifay in aan ku biirno oo isbahaysano xisbiga Balaadhan ee Waddani anaga oo ku heshiinay mabaadi aasaasi ah oo kuwaanu aaminsanayn ahaa oo ay ka mid yihiin sharciga in la ilaaliyo, in hantida umada la ilaaliyo, iyo mabaadi kale oo farabadan oo ah kuwa aanu aamin sanahay in aan wadankan ku bedelno ay nagu waafaqeen oo nagula heshiiyaan ayaanu maanta u soo galnay waxaanu u aragnaa xisbi aanu bedeli karno xisbi wax ka qaban kara xaalada wadanku ku jiro iyo xisbi wax bad-baadin kara” Maxamed Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “dawlada ka mid baanu ahayn run ahaantii maantana halkan uma fadhino in aan dawladii aan ka tirsanayn ee masuuliyiinta ugu waawayn ka ahayn halkan ku dhaliilno ama ka hadalno waxaan kuu cadaynaynaa waxa anaga iyo Waddani isu kaaya keenay ay tahay mabda’ kuraasidu qiimo ma leh anigu madaxweynaan u cararayey kursi aan madaxweyne ahayn ma rabo waxaanse ku heshiinay mabaadi aan doonayno iyo sida aan rabno in aan u maamulno xisbiga Waddani iyo sidii uu noqon lahaa xisbi mucaarid ah oo adag oo muuqda, waxaana noo muuqata inaanu wax badan ka bedeli karno oo mucaarid dhab ah ka dhigi doono oo isbedel balaadhan waddanka ku keeni kara oo dalkana badbaadin kara “

Sidoo kale Maxamed Biixi Yoonis ayaa cadeeyey inuu WADDANI ka helay fursad aanu KULMIYE ka helin waxaana uu sheegay in loo ogolaaday inuu ka mid noqdo murashixiinta u tartamaysa murashaxa madaxwayne-nimada ee xisbiga WADDANI,waxaana uu yidhi:

“Waxyaabaha ugu waaweyn ee igu kalifay inaan WADDANI ku biiro waxaa ka mid ah in la ii ogolaaday inaan (Cirro) la tartamo inuu kursifii Madaxwayne-nimada dhulka dhigo, inuu cadaalad iyo xaq tuso, inay dimuqraadiyadi jirto oon kula tartami karo taasna kaman helin KULMIYE, intayadaas oo dhan oo aan isku reer ahayn ayaa ku biirnay WADDANI waxaan isleeyahay horumar iyo guul ayaad ku soo biiriseen umadda Somaliland”.

Geesta kale hogaamiyaha xisbiga WADDANi Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isaguna dhankiisa fasiraad ka bixiyey mansabka cusub ee uu xisbiga WADDANI ka qabtay iyo ku biiritaankooda xisbiga WADDANI, waxaana uu yidhi:

”Horta ilaahay ayaa awood leh Xisbigu waxaa uu leeyahay qaab dhismeed , anaguna qaab dhismeedkii hore u jiray iyo mid kale oo aanu ku darneyba waanu isla qaadaney , qaab dhismeedka xisbigana in la bedelaa oo xisbiyadu hanaan maamul oo kala duwan ay sameeyaan waa wax dunida oo dhan ka jira, markaa dabeecadaha ayaa lagu saleeyaa tan kale ee hadal haynta dee haybadda ilaahay ayaa bixiya ”. Isagoo sii hadlaya ayuu sharaxaad ka bixiyey mansabkiisa “Awoodaha xilkaas waxaa lagu cadeyn doona shir weynaha golaha dhexe laakiinse waa wax jira oo dunida laga yaqaano , mana jiro tartan naga dhexeeya xisbiga ee waxaanu dooneynaa in aanu awooda isku darno oo dhamaantayo wada adkaano ee aanan kala adkaanin”.