Dhibaatada Muranka Dhulka Oo Sababtay Geeri Naxdin Leh Kadib Markii Nin Dhallinyaro Ahi Uu Aabihii Rasaas Qudha Ka Jaray.

0
994

Muran ka dhashay dhul la isku haystay, ayaa sababay in wiil dhallinyaro ahi uu aabihii rasaas ku dilo, isla-markaana ku dhaawaco nin kale oo la sheegay inuu ahaa shakhsiga uu muranka dhulka ahi ka dhexeeyey.

Dilkan oo ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa sida warku sheegayo yimi kadib markii ay si kedis ah iskugu soo baxeen wiilka dilka geystay oo aanaan weli magiciisa helin iyo ninka dhaawaca ah oo ay dhul ku muransanaayeen qoyska wiilka dilka lagu eedaynayaa kasoo jeeday, waxana uu wiilku rasaas uu furay keentay inuu dhaawacmo ninka ay is hayeen.

Dhawacaas kadib, ayaa waxa goobta yimi Aabaha wiilka dhalay oo ah marxuumka geeriyooday, kaas oo lagu macaabi jirey Marxuum Cabdilaahi Xaaji Muuse oo ku magac dheeraa Xiniin-cun, waxana geeridiisu timi sida dad goob joogayaal ahi noo xaqiijiyeen markii ay ku habsatay rasaas aan loogu talo galin oo ka dhacday qoriga uu wiilku ku dhaawacay ninka kale.

Dhacdadan oo si weyn magaalada Hargeysa looga hadal hayo, ayaa ah mid bulshada dhexdeeda ku faaftay, waxana ninka dhaawac ah lagu dabiibaya cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Muranka dhulka, ayaa ah aafada ugu weyn ee ilaa haatan aanay dawladda dhexe ee iyo dawladda Hoose ee Hargeysa midkoodna helin, waxana ka dhasha muranno joogto ah oo qaarkood gaadhaan heer dad badani nafahooda ku waayaan.