Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

0
1141

Aroornimadii ayaan nin dhallinyar ah soo qaaday, waxaan idhi maanad wax baran, wuxu igu yidhi jaamacada ayaan dhammeeyay 2013-kii. oo maxaad baratay? waxaan bartay ICT. oo saddexdaa sanno maad shaqayn, wuxuu iigu jawaabay maan shaqayn. waxaan ku idhi maxaad xirfat kale u baran wayday.

Sheekoba sheeko ayay keentaa eh, nin baa shirkad u shaqayn jiray dhirta goys, ninkii ayaa dhawr jeer yidhi lacagta ii kordhiya, kii maamulaya waxba umuu kordhin. Ninkale oo cusub oo dhir jara ah ayaa lala shaqaalaysiiyay, muddo yar ka bacdi ninkii cusbaa lacagtii ayaa loo kordhiyay.

Ninkii hore ayaa xanaqay oo qabsaday maamulkii, waxa loogu jawaabay wuu kaa dhir goyn badanyahay ninkani. Ninkii hore ayaa saacadihii kordhiyay shaqada si uu dhir badan u gooyo, waxba iskaymay badalin wax soo saarkiisii. Kii u talinayay ayuu waydiiyay sababta. la taliyihii ayaa ku yidhi, malaha ninkaa cusub ayaa sir haya eh bal waydii. Ninkii cusbaa ayuu waydiiyay sirta uu dhir badan ku jaro, ninkii cusbaa ayaa ku yidhi marwalba oo aan geed gooyo, shan mirir ayaan faashkayga soofeeyaa, adiga goorma ayaa kuugu dambaysay faashka inaad soofayso.

Sheekada gunteedu waxa weeyi haddii aad tidhaa bari hore ayaan shahaado qaatay oo aanad la jaanqaadin wakhtiga sidaas ayuunbaa kugu dhici. Waxay u baahantay qofka dhallinyarta ihi in uu dhawr xirfadood barto oo marku faash ka afbeelaba faash cusub aad la soo baxdid, ha ku dhagnaan uun faashkii hore badsada faashashka.

Waliba ma idiin sheegaa faashka aad u shaqeeya waddankeen waa faashka basaasnimada, haddaad faashka qaadataan si dhibyar ayaad shaqo ku helaysaa maxaayeelay meelwalba iyaga jooga, laakiin hal cillad ayuu leeyahay ogsoonow aakhiradaadii waad iibsatay eh.

Nimanka tijaarta ahna waxaan odhan lahaa, waxa la eegay nimanka had iyo gaar tijaar noqda, waxa la ogaaday in ay isticmaalaan nidaamka MSI (multi sources of income) waxay abuuraan dhawr illood oo dhaqaale ka soo galo, taas oo iyagana dakhligooda kordhisa, shaqo abuurna u samaysa bulshada.

Nuur Xaaji Xiiray.

nur.hersi21@gmail.com