“Aniga oo Doonayay In Ay Cabdiraxmaan Cirro reerkoodu Cod I Siiyaan Ayaa reer Somaliland Oo [Isaga] Kasoo Horjeeda Aan Dusha Ka Saaray, Laakiin reerkoodu……”

0
1090

Faysal Cali-Waraabe Oo Sheegay In Uu Isagu Siyaasadda Kusoo Daray Guddoomiye Cirro, Soona Faqay Fadeexado Bulshada Ka Qarsoonaa Oo Sababay In Uu La Shaqayn Kari Waayo Jamaal Cali Xuseen

“Ninka Jamaal La Yidhaahdaa Isaga Oo Musallafay Ayuu Noo Yimi, Dhul Baana Uu Rahmay, [Dabadeed]Faadumo Siciid Baan Ku Idhi Naa Ninkii Mee?,[Kadibna] Waxay Igu Tidhi Faysaloow Dee Taydii[Lacagtii] Buu Dhamaystaye, Ma Ta Agoontaan Ugu Daraa– Eng. Feysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa mar kale ka hadlay khilaafyada kala dambeeyey ee udhexeeya isaga iyo murrashax Jamaal Cali Xuseen iyo weliba midka gaamuray ee ay hore ugu kala irdhoobeen guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cirro oo isagu khilaaf dartii uu aasaasay xisbiga WADDANI.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo u warramay Telefishanka Kalsantv, ayaa ugu horrayn sheegay inuu xaq u leeyahay inuu mar kale u tartamo kursiga guddoomiyenimada, isagoo ku dooday in xeerka guddoomiyenimadiisa diidaya la meelmariyey wakhti dhaw, “Sharciga la yidhaahdo xeer No/14, aniga ayaa la ii sameeyey  oo cirro ayaa ii sameeyey markii aanu is-haysanay, laakiin xeerku waxa uu sharci noqdaa marka la ansixiyo, waxana uu mid shaqeeya noqonayaa wixii ka dambeeyey  2012-kii wixii ka horreeyey aan guddoomiyaha ahaana wax shaqaynaya ma uu ahayn, qofkuna marka la arko inuu dalkiisa u shaqaynayo oo wadi karayo la carqaladeeyo.”ayuu yidhi Faysal Cali-waraanbe.

Guddoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay xidhiiidhka wada-shaqayneed ee uu lasoo maray guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxana uu tilmaamay inuu tunka ku qaatay xilli xataa beeshiisu kasoo horjeedday, waxana uu yidhi,“anigu Cabdiraxmaan Cirro Reerkooda habaryoonis oo kasoo horjeeda, ayaa dusha ka saaray, Somaliland oo kasoo horjeedda, ayaan dusha ka saaray, waxana aan doonayey inuu reerkoodu codka I siiyo, laakiin reerkoodii waxba ima uu siinin, maalintii ay doorkaygii gaadhayna isagii baa iga horyimi, halkii uu I garab istaagi lahaa, ayuu yidhi aan kaaga soo daadego baarlamaanka’e ee adiguna kaaga iiga kac, taasina wax I qabata may ahayn.”

Dhinaca kale waxa uu si qoto dheer uga hadlay khilaafka weli aan xalkiisa la helin ee kala dhexeeya murrashax Jamaal Cali Xuseen, waxana uu sharraxay jawigii uu xisbiga kusoo galay iyo waxyaabo uu la yaabay oo uu ku arkay, “Ninka Jamaal la yidhaahdaa isaga oo musallafay ayuu noo yimi, lacag uu haystayna may jirin, dhul baana uu ka rahbay SALAAMA BANK, lacag labaatan kun gaadhaysana waxa soo siiyey ninkii la odhan jirey Jaamac Maxamuud Xeyd, weligayna inta uu ila soo fadhiistay  maxaynu yeelnaa ima uu odhanin ilayn lacag ma hayona waa macquule, waxana uu odhan jirey tobanka dambe ayaan bixinayaa markii ay tobankii dambe gaadhayna waxa uu xidhay telefoonkii.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Eng. Faysal Cali-waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata, isla-markaana sharraxaya waxyaabo uu kala kulmay murrashax Jamaal Cali Xuseen waxa uu yidhi,“Faamudo Siciid baan ku idhi naa ninkii mee waxana ay tidhi Faysal-ow taydii buu dhamaystee ma ta agoontaan ugu daraa, aniguna maalintii aanu doorashadii ka baxnay ayaan idhi ninnkan iska daa dale wallaahi inaanan madaradas u dhiibeen, UDUB-na way ka boodday oo waa nin raad kulul..”