War Deg Deg :- Siyaasiyiin Magac Weyn Somaliland Ku Dhex Leh Oo Dhex Dhexaadin Ka Bilaabey Khilaafka Xisbiga UCID .

0
1653

Warar xog ogaal ah oo so gaadhaya shabakada Codkasomaliland.com isla markaana looga qaateen ah ayaa waxaa ay u xaqiijiyeen in  siyaasiyiin magac weyn Somaliland ku dhex  lahi ay mar kale dhex dhexaadin ka bilaaben khilaafka xisbiga UCID ee labada garab u kala jabiyey xisbigaasi .

Siyaasiyiintan waxaa loo xaqiijiyey shabakada Ilaysnews.com in ay ka mid yahiin gudoomiye ku xigeenkii Hore ee  saddexaad  xisbiga Kulmiye Muj. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isla markaana hada ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobey madasha wadatashiga .

Sidoo kale iyaguna waxaa ka mid ah mujaahidiin kale oo uu ka mid  yahay Muj.Ibraahim Dhego Weyne .

Khilaafka xisbiga UCID  ayaa waxaa hore go,aamo uga soo saarey gudida diwaangalinta Ururada siyaasiga ah iyo maxkamada sare ee Somaliland waxaana aan la garan karin in siyaasiyiintani ku guuleysan doonan in ay xal u helaan khilaafka xisbiga UCID .