Mansabyada Xirsi Iyo Cabdiqaadir Jirde Oo Isku Cayn & Bayd Go’an, Maxamed Biixi Oo Afka Ciidda Loo Daray Iyo Reer Axmed Dhagax Oo Ogaaday In Booskoodii Nin Kale Laga Iibiyey

0
1014

Guddoomiye Cirro Oo Booskii Guddoomiyaha Ka Dhigay Kildhi Laba Nin Madaxa Loo Wada Geliyey Iyo Reer Axmed-dhagax Oo Guddoomiyenimo Aan Madax-bannaanayn Loo Magacaabay

Biixi-gii Jibadda murraxnimada isku casilay Oo Aan magaciisa meelna lagaga soo darin Heshiiska Saaxiibadii La Galeen Xisbiga WADDANI Iyo Jaah-wareer Cusub Oo Lasoo Dersay

Tan iyo intii xubnaha  tirada yare e hore uga cadhooday xisbiga KULMIYE shaaciyeen inay heshiis kama dambays ah la saxeexdeen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxa soo baxaya su’aalo badan oo bushadu iska weydiinayso qodobada dhinacyadu isla garteen iyo mansabyada kooban ee la siiyey xubnaha xisbiga kusoo biiray.

Su’aasha ugu badan ee bulshadu is-weydiinayso, ayaa ah mid dul taagan mansabka loo qoondeeyey inuu qaato ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo ah hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, halka Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde-na la sheegay inuu noqon doono hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, waxana labadan mansab bulshada ku keeneen jaah-wareer badan, iyadoo deegaannada uu kasoo jeedo guddoomiyaha cusub ee xisbigu heshiiskan looga arkay mid dhabar jab ku ah oo lagu kala dhantaalay awooddii iyo shaqadii gudoomiyaha.

Aragtdiyaha dadka sida gaarha u taageersan guddoomiyenimada Cabdiqaadir Jirde, gaar ahaan gobolka Hawd iyo degmada Axmed-Dhagax, ayaa muujiyey in guddoomiye Cirro uu gef siyaasadeed iyo godobba ka galay, maadaama oo uu booskii guddoomiyaha oo uu deegaanadaas ugu siiyey dusha kaga lammaaneeyey ex. Wasiir Xirsi oo isagu booska hoggaamiyaha calmaday, iyada oo ay taas barbar socoto kala xadayn la’aan xagga shaqada labadan masuul ah oo aanu xisbigu lahayn.

Waxa ay aragtiyaha dadka deegaanada uu kasoo jeedo guddoomiye Cabdiqaadir JIrde heshiiska u arkaan mid aan wax dan ahi lagu jirin oo lagu khiyaameeyey, iyaga oo daliishanaya in ex. Wasiir Xirsi booskoodii la dul dejiyey iyadoo ay jiraan mansabyo tiro badan oo xisbiga ka bannaani.

Waxa ay sidoo kale jira ay dadkani aaminsan yihiin in guddoomiye Cabdiqaadir jirde kildhi qoorta loo geliyey, isla-markaana aanu ka bixi doonin muran iyo is-qabqabsi la xidhiidha shaqadiisa, maadaama loo magacaabay mansab  uu kula lammaan yahay siyaasi kale, isla-markaana aanay jirin xeerar iyo shuruuc siyaasadeed oo xisbiga uga meel yaalla sida loo kala hagi doono xubnaha sida wada jirka ah ugu magacaaban mansabyada guddoomiyaha iyo hoggaamiyaha.

Wararka kale ee heshiiska labada dhinac kasoo baxaya, ayaa sheegaya in Cabdiqaadir jirde laftiisu uu su’aalo badan ka keenay ninka labaad ee booskiisa lagu lammaaneeyey, balse si cago-jiid ah heshiiskaas ku aqbalay, kadib cadaadis ku yimi, waxana uu dalbaday in shuruuc shaqooyinka kala xadaynaysa la diyaariyo ka hor inta aan bulshada loo bandhigin shaqooyinka isku lammaan ee labada qof loo wada magacaabay.

Dhinaca kale heshiiska ay labada dhinac wada galeen, ayaa waxa uu faro madhan diray wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo aan haba yaraato’e wax xil ah laga siinin xisbiga WADDANI, Isla-markaana aan heshiiska la kala saxeexday lagu soo hadal qaadin mansab la siin doono, waxana ay taasi keentay inuu Ex. Wasiir Maxamed Biixi niyadjab weyn ka qaado is af-garadka la gaadhay.

Maxamed Biixi oo isagu hore u shaaciyey inuu murrashax jagada madaxweynenimo ka ahaa xisbiga KULMIYE, ayaa haatan noqday qof aan cidiba tirsanaynin, isaga oo markhaati ka ahaa heshiiska Xirsi oo isagu aan weligii laga maqlin inuu mansab madaxweynimo doonayo loogu saxeexay hoggaamiyaha xisbiga WADDANI, waxana ay taasi keentay su’aalo badan oo la iska weydiiyo rabitaanka iyo diidmada Ex. Wasiir Maxamed Biixi.

Dadka siyaasadda falanqeeya, ayaa sheegaya in kala sooc la’aanta iyo isku milnaanta mansabyada Cabdiqaadir JIrde iyo Ex. Wasiir Xirsi keenayso khilaaf hor leh, isla-markaana sababi karto in taageerayaal badani aaminaan in khiyaamo la geliyey booska guddoomiyaha oo ah deeqda kali ah ee uu guddoomiye Cirro bulshada gobolka Hawd codkooda ku doonayo.