Maayir Cidin ” Ma Ogin Dhul la Wareejinayo Laakiin Dawladu iyadaa Awoodaasi Leh” Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa sheegay inaanu waxba kala socon warar laga baahiyay in xukuummada Somaliland ay madaarka Berbera iyo Warshada Sibidhka ay ku wareejinayso Dawlada Imaaraarka Carabta.

Maayarka magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamed Ciddin, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay hadallo dhawaanahan soo baxayey oo sheegayey inuu lacago ugu ballan qaaday murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana uu sheegay inuu bixinta hantidiisa u madax bannaan yahay.

Maayar Cabdishakuur oo isaga oo Hargeysa jooga saxaafadda la hadlay, ayaa ugu horrayn daboolka ka qaaday inuu murrashax Muuse Biixi ballan-qaad u sameeyey, waxana uu sharraxay goobtii uu ballan qaadkaas ka sameeyey,“ballanqaadkii aan Muuse Biixi u sameeyey gole dhaqan buu ahaaye gole siyaasadeed muu ahayn, gole shaqona ma uu ahayn, nimaan aabihii iyo awowgii hanti lahaan jirini inuu dadka maago ma aha.” Ayuu yidhi guddoomiye Cabdishakuur Ciddin.

Cabdishakuur Ciddin oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xarriiqay inuu haysto maal badan oo mid uu shaqaystay iyo mid uu dhaxlayba iskugu jira, isla-markaana uu ikhtiyaar u leeyahay inuu maalkiisa cidda uu rabo siiyo, waxana uu ku adkaystay inuu ballan qaadkaas sidiisa u fulin doono, waxana uu yidhi,“Anigu adduun baan leeyahay shakhsi ah , mid aan aabahay ka dhaxlay baan leeyahay, mid aan awowgay ka dhaxlay baan leeyahay, hantidaydana ciddii aan doonaan ugu deeqi karaa, Jamaal Cali Xuseen Waan Siin Karaa, Cirro-na waan Siin Karaa, Muuse Biixi-na waan siin karaa, wixii aan ballan qaadayna waa sidoodii.”