Dhulkii Xasadka – W.Q. Nur X Xiiray

0
1066

Xaasidnimadu waa dhaqan aad u xun inu qof yeesho, inay umad yeelataana ka sii daran.

Cayayaan yar ayaa jiraa hadii kartuun lagu rido oo meel daloosha loo sameeyo si ay uga baxaan, cayayaankaas wuxu sameeyaa marka uu mid is yidhaa ka bax daloolkii ayuu mid kale soo jiidaa markaasuu soo dhaca, aakhirka waxy ku dambeeyaan in ay halkaa kuwada dhintaan maxaa yeelay waxay isu ogolaan waayeen inay ka baxaan.

waa sidaa xaasidku qofka uu xasdiyayo ayuu sidaa usoo jiidaa. nin ka mid ahaa tijaartee  hore ee Hargaysa ayaa xamar guryo ka dhistay markaas ayaa la yidhi maxaad Hargaysa uga dhisan wayday, wuxu yidhi waa dhulkii xaasidka.  Nin baa maalin iiga sheekeeyay sheekho, soomalidu waa kuwan badiya ducadan badiya  subxaana rabika rabil cisati camaa yasifuun wa salamu calal mursaliin wal xamdulilaah rabil caalamiin, sucuudiga ayay ahayd, nin sheekh ah oo sucuudi ah ayaa in badan ka maqlay  somaalida ducadaas, sheekhii  ayaa yidhi ducadan meesha lagu badiyo way barwaaqawdaa eh bal dhulkiina iiga warama, markaasay u warameen buuro dhul qalalan, dhir qodaax badan, markaas ninkii sheekha ahaa ayaa ku yidhi waar dhulku xaasid badanaa waa calaamaadkii xaasidnimada eh.

ninkale ayaa igu igu yidhi nin soomalidaa kale ah ayaa ii sheekeeyay, waar nin yahaw anaga fusuq badan ayaanu leenahay idinku hadii aad hal mid iska dayn lahaydeen  oo xaasidnimada ah awliyo ayaad noqon lahaydeen.

Hadaba waxaa is waydiin leh dadkeenu miyay ku dhasheen xaasidnimada mise waa lagu beeraa. nimanka cilmi nafsiga waxay yidhaahdaan qofku  isaga oon wax dabeecad  ah lahayn ayuu dhashaa, dhaqanka wuxuu ka kasbadaa uun deegaanka uu ku noolyahay,diinteenuna waa ta tidhaa qofwalba fidrada ayuu ku dhashaa.  Hadaba halkaa waxa inooga cad in xaasidnimadu tahay dhaqan la kasbado ee maaha wax lagu dhasho. markaan in badan u fiirsaday  waxaan arkay in dhaqankan xaasidnimada ah dadka si u kas ah loogu beero oo ay cisaabada laynagu dhex beeray ay ku abuurto dhaqankaa si ay dadka u kala fogayso o ay xukumaan. sida ay diinteenu inoo sheegtayna, xaasidnimadu sida dabku xaabada u cunto ayay xaasidnimadu diinta u cuntaa, mujtamac dhaqankaa lagu beerayna kuna dhaqmaa kob caleenleh ka soo toosi maayo.

Nur X Xiiray

Nur.hers21Gmail.com