Wada Hadaladii Xisbiga Waddani Iyo Isbahaysiga Oo Maanta La Soo Gunaanadayo

0
852

Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu soo gunaanadayaa wada hadaladii u socday xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiga.

Waxa maanta u qabsoomaya labada dhinac kulankii u dambeeyay, waxaana la filayaa in siyaasiyiinta isbahaysigu ay guddoomiye Cirro u cadeeyaan in maanta wixii ka dambeeya ay ka tirsanyihiin xisbiga Waddani islamarkaana la saxeexo heshiiska dhex maray labada dhinac oo aan weli la shaacin.

Maanta wixii ka dambeeyana waxa uu xisbiga Waddani bilaabayaa qaban qaabada munaasibadda uu ku soo dhawaynayo siyaasiyiintan oo miisaan leh islamarkaana ka soo kala jeeda deegaano kala duwan oo Somaliland ah.