Prof Geedoole Oo Xukuumadda Kula Taliyay Hagaajinta Xidhiidhka Dibada

0
1108

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Beeraha iyo Waxbarashada Prof:Faarax Cilmi Geedoole, oo hadda ka tirsan Isbahaysiga Kulmiye, ayaa ka xog waramay halka uu marayo wada hadaladii, waxaanu sheegay inuu gunaanad ku dhaw yahay.

Prof:Faarax Cilmi Geedoole oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ku taliyey in xidhiidhka Somaliland iyo Caalamka la wanaajiyo xilli muddooyinkii ugu dambeeyey uu soo xumaanayey, waxaanu yidhi “Wada hadalada aanu la lahayn Xisbiga Waddani, meel fiican oo gunaanad ku dhaw ayey noo marayaan, guul iyo is fahan ayeyna ku dhamaan doonaa haddii Rabi idmo”.

Faarax Cilmi Geedoole mar uu ka hadlaayey Shirka Golaha Dhexe ee Waddani wuxuu yidhi “Waxa laga yaaba in heshiiskaygu ka soo horeeyo, balse Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, natiijo fiican oo lagu wada qanacsan yahay oo bilaa turxaan ah ayuu haddii Rabi idmo ku dhammaan doonaa”.

Faarax Cilmi Geedoole mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Somaliland waa inay ilaalisa xidhiidhka Wadamada Caalamka iyo Wadamada mandaqada ee aynu jaarka nahay, maxa yeelay kama maarmayno, sidoo kale Somaliland waa inay ilaalisa isku xidhka iyo wanaajinta muwaadiniinta Somaliland, Shacabkuna meel kasta oo ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waa inay isku duubnadan, oo qaranimadooda iyo nabadgalyadooda ilaashadan”