Kulan Balaadhan oo Dhex Maray Gudiga Fulinta Kulmiye UK iyo Gudoomiye Muuse Biixi

0
1019

Habeenimadii xalay waxaa kulan casho sharaf ah uu dhex maray Gudiga fulinta Xisbiga Kulmiye ee UK iyo Gudoomiyaha/Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi

05.10.2016 Habeenimadii xalay waxaa kulan casho sharaf ah uu dhex maray Gudiga fulinta Xisbiga Kulmiye ee UK iyo Gudoomiyaha/Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi. Kulanka ay Gudigu la yeesheen Gudoomiyaha Waxaa dhanka gudoomiyaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdillahi Cukuse, Wasiirka Wasaaradda Golayaasha & Cilmi Baadhista Technolojiyada Mudane Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Mudane Cali Shoombe & Badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Mustafe Shiine. Dhanka Gudiga fulinta waxaa iyana kulanka ku weheliyey xubno ka mida Gudiga Musdanbeedka Xisbiga Kulmiye ee UK.
Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo abaabulay waxaa layskaga xog waraystay sidii loo dardar gelin lahaa dhamaan hawlaha shaqo ee ku aadan doorashada xilka madaxweynenimo oo sanadka soo socda horaantiisa ka qabsoomi doonta geyiga Somaliland. Masuuliyiintii halkaasi ka hadlay waxay dhamaantood hoosta ka xariiqeen in dadaalada shaqo ee umuuraha Siyaasada Xisbiga la laban laabo.
Gudoomiyuhu inta uu ku sugan yahay carigan Ingiriiska waxa uu kulamo balaadhan la yeelan doonaa Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye & Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan UK. Waxaanu xaflado waaweyn oo lagu soo dhoweynayo kaga qayb geli doonaa magaalooyinka Birmingham, Manchester, Sheffield, Bristol iyo London