Faratoon oo Xaalad Abuur ku Asteeyay Naqdigii Kooxda Madasha Wada Tashiga

0
1013

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka jawaabay haddalo uu sheegay inay xanaf lahaayeen oo ka soo yeedhay kooxda sharci darrada ah ee la baxday madasha wada tashiga. Waxaanu ku eedeeyay inay wadaan qas iyo nabadgelyo darro.

Wasiirka ayaa sheegay in mucaaridnimaddu aanay ahayn in xasilooni darro dalka laga abuuro,waxaanu uu nasiib darro ku tilmaamay in mucaaridku siyaasad ka dhigtaan in fadqalalo la sameeyo. “Mucaaridnimadu maaha qas iyo nabadgelyo xumo iyo xasilooni darro la abuuro, mucaaridnimadu waxa weeye sidii ra’yigaaga aad u gudbin lahayd ee aad u sheegi lahayd wixii khaladaad ah ee aad dawladda ku dhaliilayso,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga oo u warramayay Telefishanka Star TV. “Mana aha in dalkaagii iyo dadweynahaagii xasilooni darro ka abuurto. waa nasiib daro iyo xil kasnimo la’aan mucaaradnimana maaha, siyaasadna maaha.”

Wasiir Faratoon, waxa uu sheegay in diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha ee soo dhammaatay ay ka soo bixi doonto tiro aad u badani maadaama oo ay ahayd diiwaan-gelintii ugu balaadhnayd ee dalka laga qabto Iyo duroofo abaareed dalka ka jireen wakhtigii diiwaan-gelinta la bilaabay.

“Diiwaan-gelintii ugu balaadhnad ayaa dalka ka dhacday tiradii ugu badnayd ee dadka ayaa la diiwaan-geliyay. waxaan filayaa inay ka soo bixi doonto tiro aad u badani. way jirtay goballada qaarkood inaan wakhti ku filan la siin wacyi-gelin duruufo jiray dartood,waanay jirtay goballada qaarkood in diiwaan-gelintu ku beegantay wakhti aad u adag oo ay abaaro jireen iyadoo ay dhibaatooyinkaasi jireen ayaa haddana waxa la filayaa in tiro aad u badani is diwaan-geliyeen,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiir faratoon waxa kale oo dadweynaha Somaliland u soo jeediyay in ay ilaashadaan nabad-gelyaddda, waxaanu yidhi “Waxa aynu ku caano maalnay waa nabad-gelyada iyo xasiloonida taas uun baynu horumar ku gaadhi doonaa. waxaan dadka Somaliland u soo jeedinayaa in nabad-gelyada iyo xasiloonida ay ilaashadaan.”