Beesha Caalamka Iyo Guddiga Doorashooyinka Oo Kulan Muhiim Ah Foodda Isku Daraya Iyo Qodobada La Filayo In Dhinac Waliba La Gole Yimaado

0
859

Wadamada beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland, ayaa guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland ku martiqaaday kulan ka dhacaya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in wadamadani ay guddiga doorashooyinka ku martiqaadeen kulan muhiim u ah doorashooyinka, kaas oo ay ka soo qayb galayaan dhammaan dalalka Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashooyinku.

Kulanka oo hal maalin socon doona ayaa waxa uu warku sheegay in beesha caalamku ku soo bandhigi doonto sida ay uga xumaadeen go’aankii Madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashada baarlamaanka iyo weliba sida ay uga niyad jabeen aamusnaantii ay guddiga doorashooyinku ka aamuseen dib u dhigista doorashada oo aanay wax hadal ah ka soo saarin, iyagoo ah hay’adda qaranka u qaabilsan doorashooyinka.

Dalalkan ayaa laga yaabaa inay guddiga doorashooyinka u soo dhiibaan go’aamo ay gaadheen ka dib go’aankii Madaxweyne Siilaanyo.

Guddiga doorashada ayaa iyaguna dhinacooda la tagaya qorshe ay sii diyaarsadeen oo ay ugu horayso warbixin ku saabsan guusha laga gaadhay diiwaangelintii cod bixiyayaasha iyo sida loogu baahanyahay in la galo wejiga labaad oo ah qaybinta kaadhadhka oo u baahan kharash badan, kaas oo ay dalalkan ka dalban doonaan inay bixiyaan.

Waxa kale oo la filayaa inay la tagaan shirkaas jadwal ku saabsan hawlaha ay qabanayaan inta ka horaysa doorashada madaxtooyada ee March 2017.

Si kastaba ha ahaate, kulankan ayaa noqonaya kii  noociisa ah ee muddooyinkan dambe dhex mara guddiga doorashooyinka iyo dalalka taageera doorashooyinka Somaliland.