“Waxaanu Diyaar U Nahay In Aanu Taageerno Horumarinta Dekedaha Si Loo Kobciyo Dhaqaalaha Caalamka”Gudoomiyaha Shirkada DP World

0
913

Gudoomiyaha shirkada Dp World ee dalka imaaraadka carabta Mr Sultan Axmed Bin Sulayem ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan sidoo loo horumarin lahaa dekedaha Africa si dhaqaalaha qaaradu u koro una noqdo mid heer sare gaadha,Sida lagu baahiyay shabakada ka faaloota ganacsiga carabta ee la yidhaa ArabianBusiness.

Gudoomiyaha shirkada Dp World oo dhamaystay socdaal uu ku tagay dalalka ku yaala Africa oo  ay kamid tahay Nigeria ,waxa uu soo dhaweeyey dadaal uu sheegay in ay ka wadaan wadamada Africa oo ay ku doonayaan in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha oo la tayeeyo si adeegoodu u balaadho loona abuuro koboc dhaqaale.

“Xidhiidhka iskaashi ee wanaagsan ee aynu la leenahay dawladaha gaar ahaana kuwa Africa ,kaasi oo muujiya qayb wayn oo dallada xidhiidhkayaga ahi waxay hoos ka xariiqeen sida wadashaqaynta adeegyada danta guud iyo ganacsi gaar loo leeyahay ay u muujiyaan in loo baahan yahay horumarin lagu sameeyo kaabayaasha dhaqaale si loo taageero kobac dhaqaale iyo soo jiidasho maalgashineed”ayuu yidhi gudoomiyaha shirkada Dp World.

Waxa kale oo uu xusay in niyadda wanaagsan ee madaxda Africa ku doonayso horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dekeduhu ka mid yihiin ay hor taagan yihiin caqabado ay kamid tahay dhaqaale la’aan ,balse shirkadooda iyo guud ahaanba dalka imaaraadka carabtu dadaal ugu jirto sidii ay arrintaasi taageero uga gaysan lahaayen waxaanu yidhi.

“waxaanu u diyaarsan nahay in aanu taageerno dadaalada lagu horumarinayo dekedaha iyo xarumaha farsamo iyo adeegyada, sida loo kobciyo doorka isku taga imaaraadka carabta iyo Dubai ku leeyihiin aduunka si loo horumarinayo dhaqaalaha aduunka”

Shirkada Dp World ayaa ka hawl gasha oo maamusha dekedo badan oo ku yaala dallaka Africa oo ay kamid yihiin Senigal,Masar,Musambiig,jabuuti,aljeeriya,Ruwanda,iyo berbera oo dhawaan jamhuuriyada Somaliland kala saxeexdeen heshiis mashruuc maalgashi lagu samaynayo dekeda oo Dp World u saamaxaya inay gacanta ku hayso muddo 30 sanadood ah.