Wadahadalada Isbahaysiga KULMIYE Iyo Xisbiga WADDANI Oo Wajigii U Dambeeyey U Gudbay Iyi Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Miisaankooda Siyaasadeed

0
737

“Kulamaduu Inay Hadda Soo Gunaanadmaan Ayaanu Rajaynaynaa, Ragga Isbahaysiga Ku Jirana Miisaankooda Waad Wada Garanaysaan..: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Mid ka mid ah kulamadii ugu dambeeyey ee ay wada yeeshaan siyaasiyiinta isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maalintii shalay ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo jilbaha la isku daray waxaa dhinaca xisbiga WADDANI ku metelayay xubno uu hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), guddoomiye kuxigeenka Axmed Muumin Seed iyo xoghaya guud Maxamed Cabdillahi Uurcadde, halka ay dhinaca isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE ku meteleyeen dhamaan xubanaha ku midoobay garabkan oo iyagu kulankan u dhamaa.

Kulankan oo ka mid ahaa kulamadii mudada soo socday ee u dhexeeyey labada dhinac ayaa ay wararku sheegayaan in badka la soo dhigay qodobadii ugu muhiimsnaa uguna cuslaa ee ay labada qoloba danaynayeen, mana jiro war ku saabsan qodobada laga wada hadlay oo ay dhinacyadani soo saareen.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulankaasi kadib waraysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka HCTV waxa uu kaga warbixiyey shirkaasi shalay dhacay iyo rajada ay ka qabaan inay midho fiicani ka soo baxaan waxaana uu yidhi:

“Kulankii ay yeesheen Xisbiga WADDANI iyo Isbahaysigu wuxuu ka mid ahaa kulamadii noo socday ee waxoogaaga la kala maqnaa, markaa wadahadalkii noo socday ayuunbaa halkii ka bilaabmay waxaananu rajaynaynaa inuu soo gunaanadmo hadda haddii ilaahay ka dhigo, ajendaha guudina klay waa sidii ay Isbahaysiga iyo WADDANI isu kaashan lahaayeen waxaananu filaynaa kulan kale oo deg-deg ah inaanu yeelano laba ama saddexda maalmood ee soo socda, dee ragga isbahaysiga ku jirana waa la garanayaa, siyaasiyiin waaweyn oo miisaan ku lahaa Somaliland oo laakiin xisbiga KULMIYE ka tirsana waxaanan isleeyahay misaanka, doorashada iyo taageerada xisbigaba wax waynbay ka tari doonaan”.