Wasiirka Maaliyadda Oo Kormeertay MADXAF Lagu Kaydinayo Taariikhda Somaliland Iyo Halgankii Dheeraa Ee SNM

0
1056

“Hirgalinta Xarumaha Noocan Oo Kale Ahi Waxay Ubadkeeda Ka Caawinayaan Inay  Wax Ka Bartaan Wixii Loo Soo Maray..” Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa gelinkii hore ee sabtidii soo kormeertay SARYAN MUSEUM oo ah Mad-xaf uu magaalada Hargeisa ka hirgaliyey Siciid Shugri oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee SNM, kaas oo dhismihiisu muddooyinkii u danbeeyey socday, isla markaana lagu kaydin doono taariikhdii dalka iyo tii halgankii dalka dib loogu xoreeyeyba.

Mad-xafkan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa qalabka iyo waxyaabaha ay Hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin bulshada Soomaalidu, kaas oo wax badan ka tari doono taariikhda dalka ee sii baaba’aysa isla markaana aan la haynin meel marjac ah oo haddii ay jiilalka soo kacayaa u baahdaan inay wax ka bartaan taariikhdii  uu dalkoogu soo maray.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Museum-ka SARYAN aas-aasaha xaruntaasi Mujaahid Siciid Shugri Xuseen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Mad-xafkan oo aanu hawshiisa soo wadnay muddo dheer, ayaa lagu kaydin doonaa ama lagu ururin doonaa taariikhda iyo aasaarta Somaliland iyo taariikhdii SNM, waxaanan  u mahadnaqaynaa oo nasoo booqatay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu  in badan isku xilqaantay inay wax nagala qabato samaynta xaruntan. Waxa kale oo aanu halkan uga mahadnaqaynaa Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isaga la’aantii aanay noo suurta gasheen hawshani oo nagu tabarucay dhulkan aanu ka dhisnay SARYAN MUSEUM”.

Siciid Shugri isagoo hadalkiisa sii wata isla-markaana ka hadlaya dhismaha mad-xafkaas, waxa uu yidhi “Museum-kan marka laga tago taageerada dhinaca dawladda waxa hawshiisa dusha u ritay anigan idinla hadlaaya oo ah maalgaliyihii madxafkan, iyadoo sida aynu wada ognahay marka dal laga hadlayo ay muhiim tahay inaad soo bandhigto taariikhdiisa iyo waxyaabihii uu dadkaasi Hiddaha iyo dhaqanka u lahaa, tusaale ahaan dharkii ay xidhan jireen, waxyaabihii ay wax ku cuni jireen, taas markii aanu samaynay ayaa waxa aanu iyadana u galaynaa qaybta 2-aad ee iyaduna ka hadlaysa taariikhda Somaliland guud ahaan gaar ahaana qaybtii ka hadlaysay halgankii dheeraa ee SNM ee dalka lagu xoreeyey.”

Mujaahid Siciid Shugri Xuseen mar uu ka hadlayey shaqsiyaad iyagu  wax  keenay mad-xafka waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Cabdiraxmaan Dhool-dahable (C/raxmaan Xuusho) oo iyagu keenay alaabooyin kala duwan sida gaaweetooyinkii shaaha lagu karsan jiray iyo buraashadihii  ay biyaha ku qaadan jireen, waxaanan dhammaan shacbiga Somaliland iyo mujaahidiintii SNM-ba ka codsanaynaa inay keenaan qalabkii iyo waxyaabaha ay hayaan ee taariikhda dalka iyo tii halgankaba ku taxaluqa”.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu halkaasi ka hadashay, isla-markaana farriin u dirtay bulshada ayaa waxa ay hadalkeeda ku bilawday  “Madaxwaynaha Qaranka waxaynu ugaga mahad naqaynaa dhulkaa balaadhan ee ku yaala Xaafadda Shacabka ee uu u hibeeyey in laga dhiso mad-xafkan lagu ururin doono taariikhda Somaliland, run ahaantii weli wuu u baahan yahay museum-kani gacantii dawladda, sababta oo ah waxa uu meeshan ku dhisay Siciid Shugri lacagtii uu soo shaqaystay ee uu kasoo xoogsaday UN-ka”.

Wasiir Samsam iyadoo hadalkeeda sii wadata, waxay tidhi “Sida aynu wada ognahay cid aanu saamaynin dagaalkii dalka ka dhacay ma jirto barri ilaa galbeed, markaa waxa shacbiga reer Somaliland looga baahan yahay in wax laga barto dagaaladaas oo taariikhdii aynu soo marnay aynaan ilaawin, waxaana inala gudboon inay gacan wayn ka gaysano dhismaha museum-kan, hirgalinta xarumaha noocan oo kale ahi waxay ubadkeeda ka caawinayaan inay ogaadaan oo ay wax ka bartaan wixii loo soo maray Somaliland”.