“Maalin Aynu Ka Culimo Badannahay, Maalin Aynu Ka Tacliin Badan nahay Iyo Maalin Aynu ka Qabyaalad badan nahay…” Guddoomiyaha UCID

0
909

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya aanay kala maarmi karin, maaddaama buu yidhi ay wadaagaan xuduud dheer.

Sidoo kale, Guddoomiye Faysal wuxuu ka hadlay ujeeddada Shacabka Somaliland ay Lixdankii Xornimadoodii u geeyeen Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay inay ahayd in la helo Midnimo Soomaaliyeed, laakiin taasi suurto-geli wayday.

“Markaynu Xamar tagaynay Muus umaynaan doonan ee Shan Soomaaliyeed ayaynu doonaynay, Maanta Shanta Soomaaliyeed Mid Walba halkeeda Ilaahay khayr ha ku siiyo.  Jabuuti Wataaso way Dharagtay, Jigjiga Waataas oo way nuuraysaa, Gaarisa Waad Aragtaayo Waa Caasimad, Xamar ayuunbaa Inaga Buktee Ilaahay ha bogsiiyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Innaga iyo Ethopia m kala maaranno, Wallo-Wayntu Marka ay la Saaxiibka yihiin Ethopia waxay yidhaahdaan Walaalayahaga Ethopia, Markay arkaan Inagu (Somaliland) In Aynu Isku Sii Dhawaanay Ethopia Waxay Odhanayaan, Alloore Hargaysa Waxaa laga Xukumaa Ethopia.  Innaga Iyo Ethopia Waxaynu Nahay Dad Ilaahay Isbaday oo Jaar ah, Ilaa 400 KM Ayaynu Leenahay oo Xuduud ah.”

Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu ka hadlay, “Meel wa Wada Galaan Qaran-Dhis Iyo Qabyaalad, Maalin aynu ka Culimo badannahay ma jirto, maalin aynu ka Qabyaalad badan nahayna ma jirto, Maalin aynu ka tacliin badannahay ma jirto, maalin aynu ka Qabyaalad badannahay ma jirto.”ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID.