Isbahaysigii KULMIYE Ka Duday Iyo Xisbiga WADDANI Oo Maanta Soo Gabogebaynaya Wada-hadalladii U Socday

0
1128

Hoggaamiyayaasha labada dhinac ay si toos ah uga wada xaajoodaan Xilalka ay xisbigaasi ka qabanayaan marka ay ku biiraan.

Garabkii Isbahaysiga Dimuqraadiyad-doonka ee Xisbiga Kulmiye, ayaa Maanta kulankii u dambeeyay la yeelanaya Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo wada hadal u socday Muddooyinkii u dambeeyay.

Xogo Wargeyska Himilo helay ayaa sheegay in kulanka maanta uu noqonayo kulankii u dambeeyay ee ay Hoggaanka WADDANI iyo Isbahaysigu kaga  wada hadlayaan sidii Xubnahaasi ugu biiri lahaayeen Xisbiga Waddani, maaddaama ay saluugeen Siyaasaddii Xisbiga Kulmiye ee ay hore uga ka tirsanaayeen.

Xogaha aanu helayno waxaa kale oo ay sheegayaan in Kulankan maanta la filayo inay wada yeeshaan Isbahaysiga Kulmiye iyo Xisbiga Waddani diiradda lagu saaro waxyaabaha kasoo baxay Shirarkii hore ay labada dhinac hore ugu yeesheen Magaalada Hargeysa, Waxaana la sheegayaa in Hoggaamiyayaasha labada dhinac ay si toos ah uga wada xaajoodaan Xilalka ay xisbigaasi ka qabanayaan marka ay ku biiraan.

Garabka Isbahaysiga Kulmiye ayaa wada hadal la bilaabay Xisbiyada Waddani iyo UCID, kadib markii ay ka cadhoodeen Shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaasi ku doortay Musharraxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo look ala dortay Muuse Biixi Cabdi oo Musharrax Madaxweyne loo cumaamaday iyo Cabdiraxmaan-Saylici oo Madaxweyne ku-xigeen loo doortay.

Isbahaysiga KULMIYE, ayaa waxa ka mid ah Wasiirradii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirkii Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif iyo Xubo kale oo muhiim ah.