“Waxay Dadka Rer Somaliland Waayo Arag Ku Yihiin, Hoggaan Ku Yimaada Jujuub Oo Geesmara Rabitaanka Ummadda”. Wasiirkii Hore Madaxtooyada

0
899

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyey wadahadalkii u dhexeeyey garabka isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE iyo Xisbiga WADDANI, ujeedada garabka isbahaysiga loo asaasaay, halka uu mustaqbalkiisa siyaasadeed ku hubsan doono iyo qodobo kale oo la xidhiidha xaaladda dalku haatan ku sugan yahay.

Wasiirkii hore ee Madaxtoyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ugu horayn ka hadlay muhiimadda loo asaasay garabka uu ka tirsan yahay ee isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE, waxaana uu sheegay in kooxdan siyaasiyiinta ahi ay u taagan tahay sidii dalka looga bad-baadin lahaa hogaan xumo ku habsata Madaxwayne Siilaanyo dabadii, waxaana uu ujeedada isbahaysiga ku micneeyey inay qayb ka qaataan hogaamiye lagu badhaadho oo Somaliland hanta mustaqbalka dhaw iyo ka fogba, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“ujeedada isbahaysigu waa inaanu dalkayaga iyo dadkayaga ka baajino guuldarro siyaasadeed oo ay hogaamin xumo dhaliso ayaanu doonaynaa inaanu ka baajino, inaanu dalkayaga iyo dadkayaga u horseedno waxay ku midaysan yihiin, hogaan fiican oo Umadda badbaadin kara oo umaddu kusoo hiloobi karto oo aan dhibaato iyo rabshad u gaysan oo loo dhan yahay oo talada lala wadaagi karo oo aan jujuub ku meel-marinayn”.

Sidoo kale Ex Wasiir Xirsi ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan wadahadlkii ay kula jireen xisbiga WADDANI, isagoo beeniyey inay wadahaladaasi dhamaadeen, waxaana uu yidhi:
“Wadahadalka aanu xisbiyada mucaaridka ah kula jirnay wax qarsoodiya ma ahayn ee guddi ayaanu u saarnay, wixii ka soo baxana si cad ayaa loo shaacinayaa markaa illaa hadda go’aan ka soo baxay majiro laakiinse waxa jirta in muddo la wadahadlayay iminkana wadahadalkii dib u bilaabmay oo kulamadii ay dib u bilaabmayaan laakiinse hawshii ma dhamaan waxaanse rajaynayaa inuu is afgarad ka soo bixi doono taasoo Somaliland u noqon doonta guul”
Geesta kale Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay haddii uu noqdo guddoomiyaha xisbi ka mid ah xisbiyada dalka rejada uu ka qabo inuu hanto quluubta dadka waxaana uu sheegay inuu kalsooni ku qabo naftiisa iyo bulshada Somaliland, waxaana uu yidhi:

“Ilaahay ayaa wax bedela, umuurtuna waa wax ilaahay gacantiisa ku jira laakiinse kalsooni aad u wayn ayaan isku qabaa, bulshadaydana ku qabaa iyo dadkayga in maamul kasta oo aan qabto aan wax wayn ka bedeli karo kalsooni baan ku qabaa ama xisbiga aan maalintaas joogo ama cidii kale ee aan maalintaas wax la wadaagayo”.