Somaliland: Wasaaradda Caafimaadka Oo Dayactirka Ku Samaynaysa Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Ceerigaabo.

0
866

Xaflad lagu dhagax-dhigayey bilowga dib u dhiska iyo dayactirka cusbitaalka guud ee Ceerigaabo, ayaa lagu qabtay magaalada Ceerigaabo.

Mubaasabaddan ayaa ahayd bilowga howsha dhismaha iyo dayactirka cisbitaalka Ceerigaabo taas oo ah qayb ka mida mashruuca caafimaadka Sool iyo Sanaag. Mashruucan waxa fulinaysa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxaana maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo horumarin lahaa in ay helaan dadyowga ku nool gobolka Sanaag adeegyada daryeelka caafimaad ee muhiimka ah iyadoo dayactir iyo dib u qalabayn lagu sameynayo cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo isla markaana dib loo howlgelinayo nidaamyada maamul ee cisbitaalka. Marka la dhameystiro, cisbitaalka Ceerigaabo wuxuu tusaale u noqondoonaa gobolka, isagoo bixin doona adeegyada daryeelka caafimaadka sida shaybaadh iyo daawayn casri ah oo dadku tahli karo. Wajiga hore oo ah dib u dhiska iyo dayactirka marka la dhameeyo waxa cisbitaalka lagu qalabeyn doonaa qalabka daaweynta iyo shaybaadhka oo kufilan iyo dhakhaatiir khibrad leh. Marka gabi ahaanba cisbitaalku howlgalo, dadka ku nool gobolka Sanaag waxa ka raysan doonaan culayskii ka haystay in ay u safraan gobollada si ay uga helaan adeeg caafimaad.

Xafladda dhagax-dhigga waxa goob joog ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Mr. Maxamuud Aadan Jaamac iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi, Duqa maagaalada Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Jaamac Diiriye iyo qaar ka mida dadwaynaha kunool magaalada Ceerigaabo.

Wasiiru Dawlaha Waaaradda Caafimaadku isaga oo ka hadlaya munaasabaddan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda mashruucan caafimaadku u leeyahay muwaadiniinta reer Somaliland gaar ahaan dadka ku nool gobolkan Sanaag. waxaanu yidhi “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay dadaal dheer u gashay sidii ay u heli lahayd mashaariic ka taageeraya fidinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan dib u soo noolaynta adeegyada caafimaadka gobolka Sanaag. Waxaan aad uga mahad celinayaa taageerada joogtada ah ee qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ay ku maal-galiyeen mashaariic ku sidkan Qorshaha Horumarinta Qaranka. Ma’ha mashruucan oo kaliya mashaariicda ay Dawladdu ka hirgalinayso gobolkan Sanaag. Waxa jira mashaariic kale oo ay ka mid yihiin, mashruuca waxbarashada, biyaha iyo kaluumaysiga oo ay Iyana hirgalinyaan wasaaradaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Marka cisbitaalku gabi ahaanba shaqiida dib u bilaabo, dadku kunool gobolkan Sanaag waxay ka helidoonaan adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah reer Sanaagna waxay ka raysan doonaan inay u safraan gobolada kale oo ay adeeg caafiamad ka raadsanadaan.”

Waxqabadyada kale ee mashruuca caafimaadka laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) islamarkaana ay ka hirgalinayso Wasaaradda Caafimaadku gobolada Sool iyo Sanaag waxa ka mid ah:

Horumarinta adeega maamulka ee cisbitaalada Ceerigaabo iyo Laascaanood iyadoo ay hirgelintoodana ay wasaarada kala shaqayndoonaan qandaraaslayaal

Keenidda daawooyin, qalabka shaybaadhka caafimaadka iyo waxyaabaha kalee loo isticmaalo daaweynta si loo horumariyo tayada adeega caafimaad ee cisbitaaladan.

Dib u dhiska iyo dayactirka cisbitaalka Guud ee Laascaanood oo hadda gacanta lagu hayo.

Keenidda gaadiidka gargaarka dagdaga ah iyo gawaadhi kale oo ay xafiisyadu adeegsadaan si kor loogu qaado adeega soo gudbinta bukaanka ee goboladan.

Horumarinta awoodda iyo dhisidda habmaamulka cisbitaalada Guud ee Ceerigaabo iyo Laascaanood si kor loogu qaado gudbinta adeeg tayo leh. Cisbitaaladan waxay sii wadi doonaan inay bulshada ka haqabtiraan adeegyada caafimaadka waxaana si madaxbanaan u maamulidoona gobolada marka mashruucu dhamaado.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawlada Ingiriiksa (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands.