Somaliland: Nin Gaadhi Ku Jiidhay Magaalada Berbera Oo Ilaa Hadda La Garan La’ Yahay Kuna Jira Talaagadda Maydka La Galiyo

0
889

Cisbataalka guud ee magaalada Berbera waxa ilaa shalay talaagada maydka kujira nin aan la aqoonsan oo shalay galinkii hore baabuur ku jiidhay xaafada daaroole ee magaalada Berbera.

Ciidamada nabad galiyada wadooyinka ee Gobolka Saaxil ayaa gacanta ku dhigay darawalkii iyo gaadhigii ninka jiidhay oo kamida haa gaadiidka yaryar ee magaalada ka dhex shaqeeya sida la xaqiijiyay.

Ninka gaaadhigu jiidhay oo da,a ahaan lagu qiyaasay 45 jir ayaa loo malaynayaa inuu ahaa nin maskaxda ka jiran oo waalan magaalada berberana aan deegaan ahaan kasoo jeedin kadib markii la garan waayay cida uu yahay.

Ninka ayaa naftu ka baxday markii uu gaadhigu jiidhay ilaa hadana waxa uu kujiraa Talaagada Maydka lagu keydiyo ee Cisbataalka Berbera,

Ciidamada Nabad galiyada wadooyinka ayaa ilaa hada wada baadhista ninkan baabuurku jiidhay iyo cida uu uyahay iyo waliba meesha uu kasoo jeedo.