Hague: Maxkamadda ICC Oo Maanta Xukun Ku Rideysa Nin Ka Tirsan Kooxaha Islaamiyiinta Ee Dalka Mali.

0
779

Maxkamada dambiyada adduunka ee Hague ayaa maanta xukun ku ridaysa Ahmed Alfaqi Almahdi oo loo haysto in uu burburiyay goobo taarikhi ah.

Goobaha uu burburiyay ninkan ayaa ku yaalay dalka Mali, isagoo berigaasi ka tirsaan kooxda islaamiga ee Mali ka dagaalanta.

Wadaadkaan reer Maali ayaa ku eedeysan in uu dagaalyahanno islaami ah oo ka tirsan kooxda Ansaaru Diin uu ku amray in ay burburiyaan goobahani taariikhi ah.

Goobahan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa goobo diimeed oo magac ku leh dalkaasi Maali, kuwaasi oo ku yaalay magaalada qaddiimiha ah ee Timbaktu intii u dhaxeysay sanaddadii 2012-kii iyo 2013-dii.

Dacwad oogaha maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC-da Fatou Bensouda ayaa sheegtay in maxkamadeynta ninkani ay tahay mid muhiimad weyn u leedahay maxkamaddani.

Waa markii ugu horreysay oo maxkamaddani ay soo dacweyso ayna eedeyso qof burburiyay waxyaabaha taariikhiga ah.

Sidoo kale waa markii ugu horreysay oo qof maxkamaddan la soo taagay uu qirto dambigii loo haystay.

Intii ay socotay maxkamadeyntiisa ayaa Ahmad al-Faqi al-Mahdi waxa uu raalligelin u jeediyay dadka reer Mali.

Waxa uuna dalbaday in la cafiyo, isaga oo ku doodaya in ay jahawareeriyeen dad aan quneyn

Dacwad oogayaasha maxkamada ICC-da ayaa weydiistay maxkamadda in ay ku riddo ninkan 11 sano oo xarig ah.