Somaliland: Qaban Qaabada Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Weyn Looga Dareemaayo Gobolada Dalka Iyo Xumadda Siyaasiyiinta Ku Tartamaaya Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Debadda U Soo Baxday

0
784

WADANI Oo La Sadaalinaayo Inuu Cudud Xoogan Ka Dheefo Shirka Murashaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenka Lagu Soo Xulaayo.

Xisbiga ugu weyn Mucaaridka dalka Somaliland ee WADANI, oo qabsanaaya shirkii golaha dhexe, 10-ka bisha inagu soo aadan ee October, ayaa siweyn qaban qaabada shirkaas looga dareemaya guud ahaan gobolada Somaliland iyo Caasimadda Hargaysa, iyadoo shirka golaha dhexe lagu soo xulaayo Murashaxiinta Xisbiga Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa u matali doonta doorashooyinka dalka ka dhicidoona sannadka danbe.

Todobaadkii u danbeeyay waxa Magaalada Hargaysa ku soo xeroonaayay xubnaha golaha dhexe ee ku kala sugnaa gobolada dalka iyo waddanka debadiisa, wariyayaal ka socda Wargayska Somalilandtoday oo booqday xarunta dhexe ee Xisbiga WADANI ayaa kula kulmay tiro door ah oo kamid ah golaha dhexe ee Xisbiga kuwaas oo Caasimadda u yimi sidii ay shirka 10-ka bisha tobnaad Xisbigu qabsanaayo uga qayb gali lahayeen. Geesta kale in kasta oo aanu ilaa hadda jirin siyaasi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro kula tartamaaya Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga, waxa xamaasad badan laga dareemaya murashaxiinta ku loo lamaaya jagada Madaxweyne ku-xigeenka, kuwaas oo mid kasta ku dadaalayo sidii uu u kasban lahaa aqlabiyada Xildhibaanada golaha dhexe ee Xisbiga.

Balse arrinta farxada u ah Xisbiga WADANI ayaa ah in la sadaalinaayo inuu Xisbiga WADANI cudud awoodeed ka dheefi doono qabsoomida shirkan golaha dhexe,ee ay ku soo xulanayaan Murashaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, halka uu rifan iyo lisan u horseeday Xisbiga KULMIYE oo tartan weyni ka dhexeeyo shirkii ay sannadkii hore qabsadeen, kaas oo lagu soo xulay murashaxiinta Xisbiga KULMIYE balse ay qadaceen siyaasiyiin iyo tagerayaal miisan weyn kulahaa Xisbil Xaakimka.