Somaliland: Khilaafyada Huursan Ee Xisbiyada Qaar, Murannada Maxkamadaha Iyo Talo Xumada Golaha Wakiilada Oo Cirka Ku Laashay Doorasho Dalka Ka Dhacda + Muddo Kordhin Bannaanka U Taalla M/Siilaanyo

0
859

Lixdanka Maalmood Ah Ee Maxkamadda Sare U Qabatay In Xisbiga UCID Shirkiisa Ku Qabsado Iyo Qodobka Sharci Ee Dhigaya In Saddexda Xisbi Qaran Musharraxiintooda Doorashada Uga qayb Galaya Ku Soo Gudbiyaan Lix Bilood Ka Hor Wakhtiga Doorasashada Oo Meesha Ka Saaraya Doorasho Wakhtigeedii Ku Qabsoonta

Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa murannada xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland wajiyo kala duwan yeelanayaan labadii sano ee ugu dambeeyeyna maxkamadda Sare go’aamo dhawr ah ka soo saartay muro u dhaxeeya Xisbiyada Qaar, Tafaasiir Sharci Oo Madaxweynuhu u gudbiyey iyo arrimo kale ayay u muuqataa in gebi ahaanba aanay dalka wax doorasho ahi ka dhacayn, gaar ahaan wakhtigii hore Maxkamadda distooriga ahi ugu qoondeeyeen in ay dalka ka qabsoonto doorshada Aqalka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladu oo ay innaga xiggaan wax ka yar 6 Bilood.
Go’aan ka gaadhis la’aantii saddexda Xisbi Qaran ee Khilaafka saami qaybsiga Aqalka Wakiilada Somaliland ee ay Madaxweynaha dib ugu soo celiyeen saddexda xisbi qaran, Xil gudasho la’aanta Golaha Wakiilada iyo Muranka riiqdiisu dheeraatay ee Xisbiga UCID iyo waliba Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo bulshadu si weyn ugu dhaliilsan tahay mawaaqif la’aantiisa mucaaradnimo iyo ku dhegsanaanta go’aamo mucaaridnimo oo adadag ayaa keenaysa in Xukuumadda talada haysaa cimrigeeda dheeraysato taasoo aan marnaba dhinaceeda isku hawlayn in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinkii la filayay in ay sida wada jirka ah dalka uga qabsoomaan iyada oo dhawaan uun Madaxweyne Siilaanyo digreeto ku kala qaaday labdaasi doorasho oo uu ku mugdi galiyey wakhtiga la filan karo in ay doorasho wakiileed dalka ka qabsoonto.
Dadka siyaasadda Somaliland iyo marxaladdan dalku wajahay u kuur galaa waxa ay walaac weyn ka qabaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka oo u muuqda mid aan jaangoyntiisu majaro sax ah haysan iyada oo ay shacabku khaati ka taagan yihiin muddo kordhimaha iyo xukuumad ku cimri dheeraysata duruufaha dalka ragaadiyey. Waxa sidoo kale walaac weyn laga qabaa geeddi socodka dimuquraadiga ah ee dalka oo u muuqda mid wiiqmay kadib go’aankii Madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho.
Xaaladda xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa iyana dhinac ka ah dib u dhac ku yimaad doorashooyin dalkan ka qabsooma iyada oo ay dadka siyaasadda indho indheeyaa walaac weyn ka qabaan sida ay isugu milmeen xisbiyadii is qaban lahaa ee Mucaaridka iyo Muxaafidka ahaa gaar ahaan xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xukuumadda oo noqotay mid aan gabi ahaanba ku shaqayn siyaasad xisbinomo. Halka Hogaanka xisbiga WADDANI ay saamayn xun ku yeelatay go’aamada kasoo baxay muddooyinkii ugu dambeeyey Golaha Wakiilada ee uu Guddoomiyahoodu hor joogo.
Si kastaba ha ahaateen lama oga halka ay ku dambayn doonto xaaladda siyaasadeed ee dalku iyada oo ay si weyn u muuqato muddo kordhin ugu yaraan sannad iyo badh ah oo xukuumadda talada haysaa kaga dhufsato golayaasha sharci dejinta oo durba saansaanteedu muuqato.