Somaliland: Gudoomiye Cirro oo Ka Muquurtay Kulan Maxkamadda Sare Su’aalo kaga Weydiisay Kalsoonidii Xisbiyaddu Siiyeen Madaxweynaha.

0
898

Gudoomiye Cirro oo Ka Muquurtay Kulan Maxkamadda Sare Su’aalo kaga Weydiisay Kalsoonidii Xisbiyaddu Siiyeen Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee muddo dhaafka ku fadhiya, ahna Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka weji qarsaday oo aan gabi ahaanba ka soo xaadirin kulan ay maxkamadda sare ee Somaliland Hoggaamiyeyaasha xisbiyadda qaranka wax kaga weydiinaysay warqadii ay saddexda xisbi wada jirka ugu gudbiyen Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ay kalsoonida ku siiyeen inuu qaraar ka gaadho khilaafka ka aloosan saami-qeybsiga kuraasida wakiiladda iyo arrimaha la xidhiidha doorashaddaba.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo maalintii Golaha wakiiladdu ansixinayay kala qaadista doorashooyinkana ka muquurtay fadhigii lagu xalaaleeyay soo jeedintii madaxweynaha, ayaa shalayna ka baaqsaday oo jaray fadhigii maxkamadda sare ugu yeedhay, halka ay ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha xisbiga UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi.

Mr.Cirro waxa uu fadhiga maxkamadda u soo diray Guddoomiye Ku-xigeenka xisbigiisa Axmed Muumin Seed oo maxkamadda soo gaadh siiyay arragtida ay xisbi ahaan ka qabaan arrinta doorashooyinka.

 

Markii uu kulankaasi oo albaabadu u xidhnaayeen dhammaaday, waxa warbaahinta la hadlay masuuliyiinta xisbiyadda siyaasiga ah ee dalka, kuwaasi oo ka hadlay qoddobadii Maxkamadda sare kala hadashay. Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in maxkamadda ay u sheegeen inay taageersan yihiin kala qaadista doorashooyinka madaxtooyadda iyo wakiiladda. “Waa arrin qaranka Somaliland u dan ah,Waxa ay dan u tahay Midnimada Somaliland iyo deganaaanshaheeda,Marka waxa aanu caddaynay maadama aanu Madaxweynaha siinay go’aan ka gaadhista arrinta doorashadda oo aanu nidhi labada qoddob ka soo tali Saami-qeybsiga iyo doorashadu waxa ay noqonayso in aannu tageersanahay wixii aanu Saxeexnayn ayaanu u sheegnay Guddoomiyaha maxkamadda sare oo noo yeedhay. Waxaanu u sheegnay inaanu ayidsan nahay go’aanka madaxweynaha,”ayuu caddeeyay Guddoomiyuhu.

“Maxkamadda sare waxa ay nasoo hor-dhigtay heshiiskii aanu saxeexnay ,heshiiska ma saxeexdeen ayey yidhaahdeen, haa ayaanu nidhi , Madaxweynuhu heshiiska waxa uu ka soo saaro Maxaad ka qabtaan ayey yidhaahdeen ? Waanu ogolnahay ayaanu nidhi. Qoladda WADDANI dacwad ayaa u taalay oo way la hadheen imika iyagaa ka dacwooday arrinta marka iyaga ayaad weydiin doontaan, annagu heshiiska hore ayaanu waanu ogolaanay Madaxweynaha ka soo tali ayaanu ku nidhi haddana wixii uu soo saaray waanu ogolnahay,”ayuu isna sheegay Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, Axmed Muumin Seed, ayaa warbaahinta uga waramay waxay maxkamaddu kala hadashay.”Kulanka saddexda xisbi ee aanu maanta (Shalay) Maxkamadda Sare u nimid waxay ahayd arrintii aanu Madaxweynaha u soo gudbinay ee ku saabsanayd saami-qeybsiga kuraasta golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha oo halkan u soo gudbiyey markaa arrinta mowqifka Xisbiga WADDANI ka qabo mar walba waxa aanu ayidsanahay go’aankii Maxkamadda sare ka soo saartay ee ahaa in doorashadda Madaxtooyadda iyo golaha wakiilada hal mar la wada qabto,”ayuu sheegay Mr. Seed.

 

“Markaa taa uun baa laga doodayey dee asaxaabta kale ee saaxiibadayna waanu kala duwanahay iyagu in mar walba la kala qaado ayey rabeen oo mowqifkoodu ahaa, annagu waxaanu aminsan nahay in aaney jirin wax burin kara go’aanka Maxkamadda sare,”ayuu ku dooday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI. “Markaa in doorashoyinkii golaha wakiilada iyo Madaxtooyadda ee ay wada saxeexeen Komishanka doorashooyinka ,Saddexda Xisbi qaran iyo beesha Calaamka oo innaga taageerta dhaqaalaha ku baxaya tii in la socodsiiyo, si aaney beesha caalamku innooga aamin bixin ayaanu u sharaxnay.” Maxkamada sare ee Somaliland ayaa la filayaa inay ka dhawaan go’aan ka soo saarto warqadii Madaxwaynaha Somaliland u gudbiyey ee uu ku kala qaaday Labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Golaha wakiiladda .taas oo uu gudoomiyaha Maxkamada sare kaga codsanayey in dib u eegis lagu sameeyo fasiraadii hore ee maxkamaddu ka soo saartay doorashooyinka wakiiladda iyo madaxtooyadda sannadkii hore.