Somaliland: Feysal Cali Waraabe Iyo Jamaal Cali Xuseen Maxay Ka Yidhaahdeen Go’aankii Ay Maxkamadda Sare Kasoo Saartay Khilaafkooda?

0
840

“Heshiiskii Waa La Hirgalinayaa Weeyi Macnaheedu”Jamaal.
“Hadda Ayaa Loosoo Noqday Xeerkii Xisbiga”..Faysal

Kadib Markii ay Maxkamada Sare Shalay go’aan ka soo saartay Khilaafkii Xisbiga UCID ka dhex aloosnaa,waxa si gooni gooni ah Go’aankaasi uga hadlay Musharax Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiyaha Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe,waxa ay labadooduba soo dhaweeyeen Go’aankaasi Shalay soo baxay,waxaanay ku sheegeen Guul Somaliland u soo hoyatay,balse waxa Hadaladooda wali ka muuqatay kala duwanaanshiyihii hore u jiray kaasi oo ku saabsanaa Qaabka loo soo qaban qaabinayo Shirweynaha aan caadiga ahayn ee ay u direen inay qabsadaan Gudida Diwaangalinta Ururada siyaasada iyo Maxkamada sare-ba,waxa uu Faysal ku doodayaa inuu isagu awooda qaban qaban qaabinta u leeyahay ,halka uu Jamaal carabka ku adkaynayo inay wada leeyihiin inay shirkaasi si siman u soo wada qaban qaabiyaan sida ay tilmaamayaan labada Xukun ee lagu riday.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa sidan“Maanta Go’aanka Maxkamada Sare ka soo baxay waxa weeyaan “Heshiiskiinii ayaad hirgalinaysaan”,Maaha hadda Heshiis ayaad hirgalinaysaa iyo Waxaas maaha,Waa la qiimaynayaa iyo Xisbiga ayaa la qiimaynayaa iyo Waxaas maaha,Heshiis ayaa la galay,Heshiiskii waa la hirgalinayaa weeyi Macnaheedu,Waa go’aan weeyi,Waa Go’aan Maxkamadeed,Gudi qaban qaabo oo labada Dhinac ah ayaa hirgalinaya ayaa la yidhi,Qodobadii hore ee Gudida Diwaangalinta Axsaabtu soo saareena sidoodii ayaa loo hirgaliyay,Xisbigu inuu laba Garab ahaa oo ay laba Garab ay soo saareen,Ragga Qaarkood Kursiga markay arkaan ayay Waashaan,Ma eegaan Bini-Aadanimada iyo Wixii lagu heshiiyay,Laakiin kol haddii ay tani dhamaatay,Waxaanu rajaynaynaa inay Cid waliba ay iimaansato,Anaga amar ayaa lana siiyay, Amarkaasi waan ka soo baxaynaa,Shirwaynihii waan u diyaar garawnaynaa,Waananu kuu qannacsanahay”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.
Dhinaca kale Eng Faysal Cali Waraabe oo shalay Warbaahinta la hadlay kadib markii laga soo dareeray Maxkamada sare ayaa waxa uu yidhi “Maanta Go’aanka soo baxay Guul Faysal Cali Waraabe oo qudha u soo hoyatay maaha,ee Waa guul Qaranka Somaliland oo dhan u soo hoyotay,Laba jeer ayaa Xisbiga lagu soo duulay oo la damcay in Saaxada Laga saaro,Markani waa markii labaad,Go’aankani waxa uu raacay Wixii markastaba aanu anagu lahayn,Anagu marna Maanu diidanayn In Jamaal Iyo Todobadii Qof ee ka yimid UDUB inaanu Heshiis la galnay,Marna maanu diidanayn inuu Jamaal nala Shaqeeyay Markuu Xisbigu soo baxayay Laakiin waxaanu markasta lahayn Waar Heshiiska hala raaco oo Heshiisku waxa uu dhamaystirmayaa Shirweyne aan caadi ahayn,oo Xeerkiisii la raacayo,Markaanu Ka dhignay Jamaal Musharax Bishii Jully, ee aanu gaynay Gudida Diwaangalinta Axsaabta Iyo Ururada Siyaasada,Waxa ii yeedhay Ninka ina Ciyaale la yidhaa ee Gudoomiyaha Gudida ah,iyo Ninka Mahdi Xasan la yidhaa ee Gudidaasi Xubinta ka ah,Waxa ay igu yidhaahdeen Sharci maaha,Waataanu ka diidnay Cali Waran-Cadde, Xeerku waxa uu qorayaa Ururkii ka gudba Doorashooyinka Deegaanka ee Xisbi Qaran noqda ayaa musharax yeelanaya,Laakiin Waxay igu yidhaahdeen Waanu kaa aamusaynaa,Haddii Lagu waydiiyo waxaad tidhaahdaa Waa ku meelgaadh”.
Waxa Kale oo uu yidhi“Markii aanu soo saarnay,Cali Warancade ayaa hadlay oo yidhi,Anagana waa la noo diiday UDUB, Xisbiga Ucid-na waa loo ogolaaday,Waan kadaba hadloo waxaan ku idhi,Anaga waa ku meelgaadh ayaan ku idhi,Markaa sidaasi ayaanay u Ansax sanayn Musharaxnimada Jamaal,Waa in Sharciga la ilaaliyaa,in maanta inta laga talaabsado Xeerkii Xisbiga UCID la yidhaa Waxaan jirin hala sameeyo,Adeer dalka iyo umadaba dan uma aha,Hadda waxa loo soo noqday in Shirweyne aan caadi ahayn la qabto,oo loo raaco Xisbiga Xeerkiisii,Qodobka 12-aad oo sheegaya,Shirweyne aan caadi ahayn waxaa ka soo qayb galaya Golihii dhexe iyo Ergooyinkii ka soo qayb galay Shirkii saddexaad ee 2012-kii,Hogaanka Xisbiguna waxa weeyi intii Halkaasi lagu doortay,Gudoomiyihii,Gudoomiye Xigeenkii Waa dhintay,Kii 2-aad Wuu iscasilay,Xoghaye ku xigeenkii waa jiraa,intaasi weeyaan Hogaanka Xisbigu,Wixii kale ee intii uu maqnaa aanu magacawnay ee lanoo siiyay Go’aanka Meeshaanu keenaynaa,inay ansixiyaan iyo inay Diidaan,Heshiiskanina sidaasi ayaanu u keenaynaa,Wax maxkamada la geeyo,Wax Loo geeyo Cabdirisaaq Ciyaale guruubkiisa mabay ahayn,Laakiin waxaanu idiin sheegaynaa Xisbigan waxaa isku urursatay xoogag Qarsoon oo u jeedadoodu ahayd in Somaliland labaabiiyo,UCID hadii ay meesha ka baxdo Somaliland-na waa la baabiinayaa,Guruubyadaasi oo qaarkood Xamar kula galayaan”.
Afarta Qodob ee ay Maxkamadu ka soo saartay Khilaafka Xisbiga UCID.
1.Maxkamadu waxaa ay go,aamisay in xisbigu mudoo 60 cisho gudaheed ah oo maanta ka bilaabmata uu ku qabsado shir weyne aan caadi aheyn , isla markaana ergada shir weynaha loo raaci doono xeerka xisbiga .
2. maxkamadu waxaa ay sheegtay in gudida qaban qaabada shirweynahas oo ka koobanan doona 10 qof ay kala qaadan doonan min shan xubnood labada dhinacba waxaana marjac u noqon doona hogaanka sare ee xisbiga UCID.
3. Heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena waxa uu ansax noqonayaa marka la qabto shirwaynaha xisbiga.
4.Sidoo kale waxaa ay maxkamadu burisayo qodobo ka mid ah go,aamadii gudida diwaangalinta ururada siyaasigu ka soo saartey khilaafka xisbigan