Maxkamada Sare ee Somaliland, ayaa qodobo kama danbays ah ka soo saartay dacwadii u dhaxaysay garabyada Xisbiga UCID ee ay kala hoggaaminayeen Murashaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe.

Waxaana goob joog ka ahaa labada garab ee dacwadu ka dhaxayso oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Fayal Cali Waraabe iyo Musharax jagada madaxwayne ee Xisbiga Jamaal Cali Xuseen.

Qodobada ay maxkamadu ku dhawaaqdayna waxay kala ahaayeen sidan:-

1 in shirwaynaha Xisbiga Ucid lagu qabto muddo lixdan cisho ah.

2 In gudida qaban qaabada oo ka kooban toban xubnood

loo qaybsado si isleeg (shan iyo shan ).
3 In Ergada laxulayo loo raaco xeerka xisbiga.

4 Heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena waxa uu ansax noqonayaa marka la qabto shirwaynaha xisbiga.

5 Go’aanka ugu dambeeya waxaa iska yeelanaya hogaanka xisbiga.

Hadaladii Garabyada Dacwadu u dhaxaysay ee Xisbiga UCID, kaga tiraabeen go’aanka Maxkamada Sare kala soco shabakada wararka ee Wargane