Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Maanta Go’aan Ka Soo Saaraysa Dacwadii Xisbiga UCID

0
802

Maxkamadda distooriga ah ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqaysa natiijada dacwadii xisbiga UCID oo ay toddobaadkii hore gudo galeen.

Maxkamadda sare ayaa dhinacyada Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen ku wargelisay inay maxkamadu maanta soo saari doonto natiijada dacwadii u dhaxaysay, waxaana dhinacyadan lagu martiqaaday inay goob joog ka noqdaan ku dhawaaqista go’aanka maxkamadda sare.

Maxkamadda sare ayaa dacwadan gudo gashay ka dib markii uu guddoomiyaha xisbiga UCID rafcaan ka qaatay xukun ay hore u soo saareen guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda.