Somaliland: Maxkamadda Hargeysa Oo Kala Saartay Laba Qoys Oo Isku Haystay Wiil 16 Jir Ah Iyo Qaabka Loo Kala Saaray

0
943

Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa xukun ka soo saartay laba qoys oo isku haystay wiil dhallinyaro ah oo ay da’diisu tahay 16 jir.

Dacwadan oo muddo soo socotay, ayaa waxa shalay xukunkeeda ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Garsoore Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), isagoo xukun culus ku riday qoys si been abuur ah u sheeganayay ilmahaas, ka dib markii uu baadhitaanka dhiigga hiddo siduhu cadeeyay inaanay dhalin, waxaana wiilkaas ay maxkamadu u xukuntay qoyskii uu 100% hiddo sidaha kala mid noqday.

Dr. Axmed Xaashi oo qaabilsanaa baadhitaanka dhiigga hiddo sidaha ee DNA ayaa halkaas ku soo bandhigay warbixinta baadhitaanadii DNA-da ee uu ku sameeyay labada qoys ee uu muranku ka dhexeeyay.

Dr. Axmed Xaashi wuxuu sheegay in qoyska koowaad oo kala ah

1. Aabo Jaamac Maxamuud Cali iyo Hooyo Aasiya Xuseen Maxamuud, lagu sameeyay baadhitaan hiddo sidaha DNA iyadoo loo eegay DNA-da wiilka, waxaanu sheegay in natiijadii noqotay 0.0% oo ah inaanay wiilkaas dhalin.

Dr. Xaashi, wuxuu kaloo sheegay in qoyska labaad oo ah

1. Cabdirashiid Dirir Cali iyo Jawaahir Cabdi Diiriye, iyagana lagu sameeyay baadhitaanka hiddo sidaha DNA iyadoo loo eegay DNA-da wiilka, waxaanay natiijadii noqotay 99.999% oo ah 100% inay dhaleen wiilkaas, waxaanu Dr. Xaashi intaas raaciyay in hiddo sidayaasha qoyskan laga qaaday ay cadeeyeen inay la tafiir yihiin wiilkan.

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Garsoore Cabdirashiid Beergeel, ayaa halkaas ka cadeeyay in qoyska koowaad ee baadhitaanka DNA cadeeyay inaanay wiilka dhalin oo ah Jaamac Maxamuud Cali oo 40 jir ah iyo Hooyo Aasiya ay maxkamadu ku xukuntay min saddex sannadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo lacagta Somaliland ah. Qoyska ayay maxkamadu ku heshay dambi ah inay ka been sheegteen ilmo aanay dhalin.

Qoyska dacwadda ilmaha 16 jirka ah ku guulaystay oo iyaguna markii xukunku dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dacwadda ay ku guulaysteen,“Dareenkayga lama koobi karo, ilmahaygii la igu haystay ayaan ku guulaystay.” ayay tidhi hooyo Jawaahir.

Sidoo kale Aabo Cabdirashiid Dirir Cali ayaa isna sheegay inuu ku faraxsanyahay xukunka loogu cadeeyay inuu wiilkaas dhalay.