Somaliland: Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Bari Axada Ku Dhawaaqi Doonta Go’aankii Dacwada Xisbiga UCID.

0
763

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay muddeysay wakhtiga ay go,aanka ka soo saari doonto khilaafka xisbiga UCID oo ay dhegaysigeeda ay bilowdey maalintii Sabtida ahey ee ay bishu aheyd 18.09.2016.

Maxkamada sare ayaa waxaa ay maanta ku war galisay qareenadii u doodaayey labada garab ee xisbiga UCID inay go’aanka u soo diyaar garooban maalinta Bari oo Axad ah isla markaana ay bishu tahay 25./9./2016.

Waxaana sidaasi warbaahinta u xaqiijiyey mid ka mid ah laba garab ee ay dacwadu u dhaxeyso isla markaana u cadeeyey Shabakada Ilaysnews.com in qareenadoodii lagu war galiyey sidaasi

Labada garab ee khilaafka xisbiga UCID u dhaxeeyo ayaa waxaa uu mid waliba isa siiyey libta go,aanka ay maxkamada sare ka soo saari doonto khilaafkooda .