Maxkamad Ku Taalla Dalka Hindiya Oo Dil Ku Xukuntay 50 Qof Oo Soomaali Ah.

0
1037

Maxkamad ku taalla waddanka Hindiya ayaa dil ku xukuntay 50 ruux Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 119 qof oo horay dowladda Hindiya u sheegtay inay ahaayeen burcad badeed.

Illaa afar howl gal oo ciidamada badda Hindiya ka sameeyaan Xeebaha Badweynta Hindiya ayaa intii u dhaxeysay 2011 iyo 2012 ku soo qabteen dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay inay burcad badeed ahaa.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa waxay qirteen dambigooda, waxaana mid ka mid ah dhalinyarada oo lagu magacaabo Bishaar Xuseen uu caddeeyay inuu dambiga galay, isla markaana uu ogyahay qiraalkaas natiijada ka dhalan karta, una diyaar yahay inuu wax walba wajaho.

Illaa 70 marqaatiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku markhaati kaceen eedeysanayaashan, halka qaarkood oo ajaaniib ahaa la sheegay inay maxkamadda ka maqnaayeen.

Sanadihii u dambeeyay ayaa xabsiyo ku yaal Hindiya waxaa ku jiray dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad badeed, waxaana qaar ka mid ah ay u dhinteen cuduro ay ka mid yihiin Qaaxadda.

Tani ayaa noqoneysa tiradii ugu badnaa ee dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay burcad badeednimo lagu xukumo dil.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin xukunkan ay riday Maxkamad ku taal Hindiya, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Safaarada Soomaaliya ee Hindiya.

Xeerarka dilka ee Hindiya ayaa ah kuwa ugu dambeeya, iyadoo inta badan Maxkamadaha dalkaas ay ridaan xukunada xabsi daa’inka, laakiin arrintan ayaa ka duwan xeerarkii hore ee lagu xukumayo jiray dadka dambiyada gala