War Deg Deg Ah:-Khasaaraha Dagaalo kasoo Cusboonaaday Ceel Afweyn

0
1339

Warar hadda naga soo gaadhaya magaalada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag soona gaadhay xafiiska warqabadka shabakada wararka Wargan news ayaa sheegaya in  dagaal saaka markale deegaanka Siin-carro ee gobolka sanaag ku dhex maray laba beelood oo wada dega degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag.

Waxaana sida naloo sheegay uu dagaalkani saaka dhex maray labada beelood ee kala ah Reer Iidle (habar-jeclo) iyo Sacad-yoonis (Habar-yoonis),iyada oo ay daraad xukuumadda somaliland go’aamo kasoo saartay dagaal khasaar badan sababay oo dhex maray laba beelood oo wada daga degmada ceel -afwayn isla markaana dagaalku ku dhex maray deegaanka darar-wayne iyo dogoble.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa ah inta la ogyahay hal qof iyada oo sidoo kale la sheegay in dhaawacna jiro.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamo tiro badan ay gaadheen deegaanka saaka dagaalku ka dhacay iyaga oona la wareegay amaanka deegaankaasi.

Gudoomiyaha gobolka sanaag Axmed Cabdi Falaay oo wakhti xaadirkan ku sugan degmada Ceel-afwayn  isaga  iyo xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland  oo ay shabakada wararka Wargane News khadka telefoonka kula xidhiidhay si ay wax uga waydiiso dagaalkan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dagaalkan la sheegay inuu saaka ka qarxay deegaanka Siin-caro waxaanu uu sheegay inaanu iminka ka warami Karin .

Ilaa hadda lama garanayo sababta dhaliyay dagaalkan.

 

Goordhaw kala soco shabakada Wargan news khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo siday xaalada deegaanki tahay.