War Deg Deg Ah: Boqolaal laga baqayo inay ku dhinteen badda kadib markii ay la degtay doon

0
1004

Dadkii ka badbaaday doontii ku degtay xeebta Masar Arbacadii ayaa BBC u sheegay in boqolaal laga yaabo inay dhinteen.

Doonta ayaa siday ilaa 550 tahriibayaal markii ay ku degtay 12 km meel u jirta xeebta, sida ay sheegeen kuwii ka badbaaday.

Masuuliyiinta ayaa badbaadiyay 163 qof, waxaana ilaa iyo hadda 42 mayd laga helay meel u dhow magaalada Rosetta.

Afar qof oo looga shakisan yahay inay dadka tahriibinayeen ayaa la xiray, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Arrintan ayaa timid kadib markii hay’adda xudduuda ee Midowga Yurub, ay ka digtay in dad badan ay ka soo baxayaan Masar si ay u gaaraan Yurub.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 10,000 qof ay ku dhinteen iyagoo soo maraya badda Mediterranean si ay Yurub tagaan tan iyo 2014.

Xigasho BBC Somali