Somaliland: Cali Guray Oo Xisbiga Waddani Kabaha La Dul Maray “Aan Kula Lug Ahaado Oon Kaa Laab Ahaado”

0
1320

AAN KULA LUG AHAADO OON KAA LAAB AHAADO!

Looma baahnayn waa run mudaaharaad ka dhan ah beesha caalamka ee aynu ku taamayno in maalin maalmaha ka mid ah ka mid noqono ooy ina aqbalaan si aynu uga baxno go’doonka siyaasadeed ee aynu dunida kaga jirno in ka badan 25 sanadood. Gar iyo gardaroba waynu aragnaa in labadii doorasho la kala qaadayo sida ay Kulmiye iyo Wakiiladu heshiiska ku yihiin. Waxa ka dhiman keliya in Maxkamadda Sare xalaalayso taasina waxaynu filaynaa maalmaha soo socda.

Hadaba, gartay oo xil-ma-dhibaanada mushaharka oo u sii socda iyo laaluusha laga siiyo mooshin ayay eexaysanayaan balse aniga waxa ii muuqda Kulmiye oo dhexda farta ka qaniinsan oo sida uu moodayo xaalku noqon waayay marka meel aanay ka soo celin karin arinku gaadho ee uu bilaabmo kaambaynka doorashada madaxwaynuhu ee maxay maalintaana odhan? Doorashana doonimayno eh ha iska fadhiyo madaxwaynuhu miyaa?

WADDANI 28 xubnood oo Wakiilada ah ayuu sheegtaa oo ku raacay Kulmiye in la kala qaado labada doorasho. Gudoomiyaha Wakiilada oo isagu ah gudoomiyaha WADDANI waxay ka raaceen Musharaxa Kulmiye xisbigoodiina waxay uga hiiliyeen Xisbiga Kulmiye waanay isku ogol yihin oo weli ku wada joogaan. ALXAMDULILAH UCID dembiga Wakiilada goor roon buu Ilaahay ka kaxeeyay. Dad nala lug ah oo naga laab ah Ilaahay baanu ka magangalnay. UCID labada xisbi ee kale wuxu kaga duwan yahay guusha uu beegsanayaa kagama xidhna labada doorasho in la kala qaado iyo in aan la kala qaadin sida labada xisbi ee kale balse waxay kaga xidhan tahay in quluubtoodu midoowado doorashona ay qabsoonto oo dadku si xor ah oo xalaal ah codkooda u dhiiban karaan waayo waa daacad oo waxay talo saarteen Ilaahay.