Somaliland: Baanka Dabashiil oo Shaaciyey Maalgalinta Mashruuc lagu Horumarinayo Tamarta

0
1183

Baanka caalamiga ah ee Dahabshiil (DBI), ayaa shaaciyey mashruuc cusub oo ah maalgashiga qalabka tiknoolajiga dib-u-cusboonaysiiya tamarta oo loo bixiyey ‘Sanduuqa Tamaraynta Horumaka’ (Powering Progress Fund (PPF or the “Fund”) ee ganacsiyada heerka hoose iyo dhexe, kaas oo ujeeddada laga leeyahay tahay inuu qayb ka noqdo horumarka socda iyo shaqo abuurka dalka.

“Mashruucan horumarinta awoodda ee aannu shaacinaynaa waxa uu ka mid yahay silsilidda hindisayaal badan oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha iyo dadaallo shaqo abuur uu sameeyey Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil oo uu ka hirgeliyey waaxahiisa maalgelinta iyo mashruuca MicroDahab, kuwaas oo u suurtogalay dadweynaha iyo ganacsatadaba kobcinta dhaqaalahooda,” sidaa waxa yidhi Sakariye Xuseen Cali oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Caalamiga ah ee Dabashiil, waxaannu intaasi ku sii daray “Baanku waxa kale oo uu bixiyaa qalabyo iyo adeegyo talo-bixin-maamul ah oo uu macaamiishiisa ka siiyey ganacsiyadooda kala duwan.”

Somaliland:Baanka Dabashiil oo Shaaciyey Maalgalinta Mashruuc lagu Horumarinayo Tamarta
Zakaria Hussein Ali Gudoomiye ku Xigeenka DBI iyo Lee Sorensen Madaxa Shuraako, Abdikarim Gole iyo Tony Peltz

Waxa kaloo uu xusay in Baanka Dahabshiil ay sharaf wayn u tahay inuu siiyo macaamiisha adeegyada ugu wanaagsan, iyo in macaasiiha loo fududeeyo sidii ay ganacsigiooda ugu heli lahaayeen maalgelin ku filan ama kaaba.

Baanka Dahabshiil, oo ay la shaqaynayaan ururrada Arsenault Family Foundation (AFF) iyo Shuraako, waxay gacan qabanayaan curiyayaasha cusub iyo ganacsatada ku hawlan tamarta, iyagoo rajaynaya inay abuuraan ama horumariyaan tamarta dib loo cusboonaysiiyo (renewable energy), si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo shaqo abuurka dalka.

Somaliland: Baanka Dabashiil oo Shaaciyey Maalgalinta Mashruuc lagu Horumarinayo Tamarta
Bidix ka Bilow Guled Ibrahim, Hodan Ali, Zakaria H Ali, oo ka Socda DBI iyo Lee Sorensen, Abdulkarim Goleir & Tony Peltz oo ka Socda Shuraako

Baanka Dahabshiil iyo ururka AFF waxay ku bixinayaan mashruucan dhaqaale dhan $750,000 (toddoba boqol iyo konton kun oo dollar), iyadoo ururka Shuraako uu maamuli doono hannaan-socodka mashruuca.

Mashruuca Sanduuqa Tamaraynta Horumaka waxa uu qaabilayaa dhammaan codsiyada maalgalineed ee abuurista ganacsi mashaac-raadis ah oo xaddiga lacagta ee lagu bixinayaa u dhaxayso $25 000 ilaa $250 000 (shan iyo labaatan kun ilaa laba boqol iyo konton kun oo dollar), kuwaas oo galaya heshiis maalgalineed oo muddadiisu dhan tahay saddex sannadood. Waxaanna codsadayaasha guulaystaa noqon doonaan kuwa buuxiya shuruudaha loo dhigay oo tusaale ahaan ay ka mid tahay in codsaduhu kaga qaybgalo ugu yaraan 30% xaddiga guud ee maalgalinta loo samaynayo oo ah lacag kaash ah ama hanti u dhiganta iyo inay haystaan dammaanad ay ku bixinayaan xaddi u dhigma qiyaasta lacagta maalgalinta ah ee uu codsaduhu ku guulaysto.

Lee Sorensen iyo Hodan Ali
Lee Sorensen iyo Hodan Ali

Mashruucan oo laga hirgelinayo Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, waxa lagu wadaa inuu xoojiyo dhaqaalaha bulshada iyo gaar ahaan dadka ka faa’iidaysta.

Mashruucan Baanka Dahabshiil waxa uu kaga dhawaaqay shirka dallada maalgalinta Somaliland (Somaliland Investment Forum) oo ay soo abaabushay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga oo uu kala shaqeeyey ururka Shuraako, kaasi oo muddo saddex maalmood ah ka socday huteelka Maansoor ee Hargeysa, lana soo gabogabeeyey Arbacadii.

Shirka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin iyo siyaasiyiin, deeq-bixiyayaasha, maalgashadayaasha iyo ganacsatada Somaliland, laguna falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo maalgashiga, waxa shirkadaha Dahabshiil u matalayey Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil oo kaalinta ugu wayn ee maalgalineed ka qaatay shirka.

Shirkadaha Dahabshiil Group wax ka mid ah Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil, Shirkadda Caalamiga ah ee Dirista lacagaha (DMT), iyo Isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL.