Somaliland: Oo Cadeysay in Beesha Caalamku ay Bixinayso Dhaqaalaha Doorashada Madaxtooyada oo Kali ah

0
831

Xukuummada Somaliland ayaa Caadeysay in Beesha Caalamku aanay Somaliland ka caawin doonin Doorashada Wakiilada Somaliland kadib markii Madaxwayne Siilaanyo kala Qaaday Labo Doorasho oo Mar wada qabsoomi lahaa.

War rasmi ah xukuummadu kamay soo saarin Diidmada beesha caalamka ee ah inay  bixinayso dhaqaalaha hal doorasho  oo qabsoonta Somaliland,  Balse wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire,  oo Maalintii Axada warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Beesha caalamku ay sheegtay inaanay Somaliland ka taageeri doonin Doorashada Wakiilada Somaliland.

“Haddii ay dhacdo Beesha caalamku inay innaga caawin waayaan Doorashada Labaad (Wakiilada) sida ay yidhaahdeen (Doorasho kali ah ayaan idin ka caawinaynaa)” ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire waxaanu intaasi ku daray “Inkasta oo aan annigu (Wasiir Sacad) aan ka qabo inay Somaliland ka caawin doonaan, Haddana waa waxaynu ku filanahay”

Warmurtiyeed Jimcihii aynu soo dhaafnay kasoo baxay ayaa beesha caalam ku sheegtay inay soo jeedinayso in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland balse xukuummada Somaliland ayaa Baaqaasi ku sheegtay inaanu ka turjumay danta shacabka Somaliland.