“Dadka Doorashooyinka Is-raacinaaya Waxaan Leeyahay 1991-Kii Ayey Dalka Ku Celinayaane Ha U Tudheen” Guddoomiyaha Diiwaan Gelinta

Guddoomiyaha Guddida ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland Cabdirsaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaale), ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo ku kala qaaday doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada, waxaanu sheegay aanay suuro gal ahayn in doorasho ay dalka ka dhacda sababo jiro awgeed.

Cabdirsaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaale), oo u warramayey Telefishinka Qaranka ee Somaliland, waxa uu caddeeyey in haddii aanu cidda ku doodaysa in doorashooyinka Madaxweynaha iyo Wakiillada mar keliya la wada qabata ay doonayso in colaadii sokeeye ee 1991-kii Somaliland soo martay dalku dib ugu noqdo, waxaanu taxay sababo aanay u suurtoobay in hal mar muwaadiniintu u wada dareeraan sanaaduuqda doorashooyinka ee Madaxweynaha iyo Wakiillada oo la wada qabto.

Guddoomiye Cabdirisaaq Ciyaale oo arimahaasi ka hadlaayey wuxu yidhi “Doorashadda golaha wakiillada mushkilada ugu culus ee haysata waa dhanka Sami-qaybsiga, laakiin illaa 20 qodob oo kale oo aan la qabyo tirin, ayaa iyaguna jira mawduucu laakiin ka maaha oo madaxweynuhu waa kii soo saaray wareegtada uu ku kala qaaday doorashooyinka isa saarnaa isaga oo ka tanaasulay Teeramkii u hadhsanaa ayuu hadana doorashaddii madaxweynaha soo dhigay in lagu qabto mudadeedii waa taariikh afrikaanka ku yar, hadii madaxweynuhu labada doorasho isku lamaaneynlahaa, mushkilada xal looma heleen waxaana iman laheyd mudo kordhin kale”

Md Cabdirsaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaale) oo hadalkiisa sii wata wuxu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa in aan cadeeyo in aanay farsamo ahaan suuro gal aheyn in labada doorasho mar la wada qabto, sababto ah haddii aynu wakhtiga oo kale ka eegno laba doorasho oo Laba Sanduuq lagu kala rido way inagu cusub tahay dadkeenaba inta wax qorta ee kala saari karto way inagu adag tahay oo hadii aan is idhaahdo inta ugu yar ee qofku ku codeyn karo hadii aan ugu badiyaba waa Laba (Minute) waxana saacadii codaynaaya goobtii sanduuqu yaalay 300 oo qof oo 12 saacadood ee doorashooyinka loo xadiday 10 saacadood ayuumba la codeeya goob kasta waxa sharciyan loo cayimay inay 500 qof Sanduuqii ka codeeyaan, bal waxaad qiyaastaan Kun iyo Afar Boqol oo goobaha Sanaaduuqda doorashooyinka ee dalka oo dadkii ay tuman yihiin oo mid walba ay Laba Boqol oo Kaadhadhkii Codeynta ahi soo hadhay wakhtigii codbixintuna dhamaaday doorashadaasi sida ay nadiijo ku yeelanayso”

Md Cabdirasaaq Ciyaale oo hadalkiisa sii wata wuxu inta ku daray “Horta marka 1-aad tiradii codeyn jirtay waxay noqonaysa mid sidii hore ka yaraata dadkii oo tumana waxa la xidhi doona goobihii doorashooyinka farsamo ahaan kolka sidaasi ayey doorashaddu ku tahay mid aan ku habooneyn in la wada qabto, waxa kale oo jira 246 Mudane oo Wakiilada u tartamaaya Khilaafaad ayaa imanaaya khilaafaadkaasi waxa xaliya madaxweyne la doortay oo wakhtigiisu hadhsan yahay ayaa xalin jiray oo doorashooyinkii ina soo maray waad garanaysaan oo golayaasha deegaanka ayaad og tihiin iyo halistii aynu galay madaxweyne loo habranaayo oo mudadiisi hadhay ayaa jirtay hadii uu madaxweynuhu yahay ka la dooranaayo khilaafka dhacayna yahay in wax laysku qabsado madaxweynaha joogaana yahay kii Bisha ka dib wareejinaayey xilka waxay noqonaysa in Sanduuqa la kansal gareeyaaba uu saameeyo tii madaxweynaha, marka labadiiba hadii intaynu badka dhignay aynu ku fashilano inaga oo baarlamaana laheyn madaxweynena aanu inoo soo bixin waa in aynu ku noqona 1991-kii, dadka doorashooyinka Israacinaaya waxaan leeyahay 1991-kii ayey dalka ku celinayaane haw tudheen”.