War Deg Deg Ah: Madaxweyne Siilanyo Oo Magacaabis Sameeyey

0
1064

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo SummadeeduJSL/M/XERM/249-4264/092016tahay ku magacaabay Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood. Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu dhaqangeliyey oo uu saxeexay wax ka bedelka iyo kaabista ay Jaamacada Hargeysi ku samaysay xeerka Jaamacada.

Madaxweynuhu: 

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Ku Qancay:                  In la beddelo Guddidii hore ee muddada dheer soo shaqaynaysay;

 Markuu Arkay:                         In baahi loo qabo Magacaabidda Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa); 

Wuxuu go’aansaday;

In uu magacaabo Guddida Sare ee Jaamacadda Hargeysa (Board of Trustees for University of Hargeisa) oo ka kooban 11-xubnood oo faahfaahintoodu hoos ku xusan tahay:

  1. Mudane, Cabdi-samad Cumar Maal                Garyaqaanka Guud (Guddoomiyaha Guddida).
  2. Nafiisa Yuusuf Aw Muxumed                                Negaad (Guddoomiye Ku-xigeen Guddida).
  3. Abdillaahi Ibraahin Habane                        Wasiirka Waxbarashada & Tacliinta Sare.
  4. Cali Cabdillaahi Daahir                                                 Madaxa ICT Commission-ka.
  5. Liibaan Ismaaciil Maxamuud                                Guddida Xuquuqal Iinsaanka.
  6. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid                 Duqa Caasimadda Hargeysa.
  7. Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse                                Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.
  8. Maxamed Faarax Xirsi                                                Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta.
  9. Cabdirashiid Maxamed Siciid                 Ganacsatada.
  10. Cabdikariin Maxamed Iid                                                 Ganacsatada.
  11. Suldaan Axmed Daahir Muuse                                 Culimada.

 

Guddidu waxay xilkooda u gudan doonaan si waafaqsan Shuruucda Dalka iyo Xeerka Jaamacadda Hargeysa.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.