Somaliland: Muj Cali Guray Oo Wasiirka Arimaha Dibada Ku Sifeeyey Masuul Aan Ka War Heyn Xaaladaha Somaliland

0
864

Gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee xisbiga UCID Muj.Cali Guray ayaa waxaa uu si kulul uga jawaabey hadalo maalinkii shalay ahaa ka soo  yeedhay wasiirka arimaha dibada oo uu ku sheegay in xukuumada Somaliland iska bixin karto qarashka doorashooyinka hadii beesha caalamku lacagteeda la noqoto

Muj Cali Guray waxaa  uu wasiir Sacad ku sifeeyey masuul aan wax badan ka ogeyn xalaadaha Somaliland waxaana uu yidhi

“Marka Madaxwaynuhu xilka Ka dego ka dib ayay xukuumadani bixin doontaa kharashka ku baxaya Doorashada Wakiilada. Madaxwaynaha dambe wuxu yeeli doono ma isaga ayaa sii og?

Ka kursiga soo fuulaa haduu ii fadhiya sidii Madaxwayne Silanyo oo marba aan aniguna idiin kordhiyo anigana ii kordhiya Guurtiduna sidoodii ha is dhaxasho yidhaa maxaa u diidaya?

Wasiirku wax badan kama oga Somaliland eh inta uu ogyahay uun ha ka waramo. Hadii ay rumowdo oo doorashoba qabsoonto Madaxwaynaha dambe wuxu yeeli doono yaa yidhi isaga nooga waran isaga ayaa u baahan cid u waranta oon cid ka war yari jirin eh.

Dawlad wada ilma adeer ah oo dastuur iyo sharciga waxba u aqoon oo kolba siday doonaan iska yeelaya sida ay Qaran jira iyo dawlad qaynuun oo sharcigu shaqeeyo u noqon kartaa waa sua’aal sharad ka yaalaa ” ayuu yidhi mujaahid Cali Guray