Somaliland: Mudaharaad Ka Dhan ah Beesha Caalamka oo Hargeysa ka Dhacay

0
817

Saaka waxaa Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa isku soo baxay qaar ka mida shacab magaalada Hargeysa oo taageersan Qaraarkii Madaxwayne Siilaanyo ku kala qaaday Doorashooyinka wakiilada iyo Madaxtooyada.

Shacabka Mudaharaadayay Ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan Go’aankii madaxwaynaha Somaliland iyagoo beesha caalamkana u gudbinayay in madaxwayne Siilaanyo qaatay Go’aan wanaagsan.

Shacabka Mudaharaadayay oo u badnaa Ardeyda Dugsiyada iyo Dumar ayaa sheegay in aanay Beesha caalamku Somaliland u yeedhin Karin masaaliixda waddankooda.

Mudaharaadkan oo ahaa mid salmi ah islamarkaana aan wadan wax rabshado ah ayaa waxaa ka muuqday Shacabka Mudaharaadayay Masuuliyiin ka tirsan xukuummada madaxwayne Siilaanyo kuwaasi oo dhinacooda sheegay in shacabku muujinayeen Taageerada Go’aankii Madaxwaynaha oo beesha caalamku kasoo Horjeesatay islamarkaana ay madaxwaynaha cadaadis ku saarayaan in la wada qabto doorashooyinka.

 

Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa cambaareeyay Mudaharaadkaasi isagoo sheegay inay xukuummada Somaliland cadaawad ka sameysanayso beeshii caalamka ee aqoonsiga Somaliland gacan ugu jiray.

Beesha caalamka ayaa kasoo horjeedsatay Go’aanka madaxwayne Siilaanyo ku sheegay in lakala qaado doorashooyin kuwaasi oo jimcihii war muriyeed ay soo saareen ku baaqay in mar lawada qabto doorashooyinka.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay inay bixiso dhaqaalaha doorashooyinka haddii ay beesha caalamku joojiso dhaqaalaha ay ku bixiso doorashooyinka Somaliland.