Somaliland: “Kharashka Doorashada Ku Baxayaa Waa $6 Milyan Miisaaniyadeenuna Waa Saddex Boqol Oo Milyan Markaa Inaga Ayaa Iska Bixin Karna Ee Yaynaan Ka Cabsanin” Wasiirka Sacad.

0
791

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay si cad u sheegtay inaanay wax wayn u arkin kharashka ku baxaya doorashada wakiilada ee dib loo dhigay haddii ay beesha caalamku ku adkaysato inaanay ka caawin doonin Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo u waramay telefishanka Star ayaa xaqiijiyey inay xukuumaddu diyaar u tahay bixinta kharashka doorashada golaha wakiilada haddii beesha caalamku bixin waydo gacantii ay ka gaysan jirtay doorashooyinka dalka, waxaana uu sidoo kale xaqiijiyey inaanu kharashka doorashada ku baxayaa oo dhawr milyan ahi aanu waxba ka ahayn miisaaniyadda dalka marka la eego oo saddex boqol ku dhaw, isagoo rajo ka muujiyey in xitaa shacabku ka qayb qaadan karo hirgalinta doorashada golaha wakiilada, waxaana ka mid ahaa hadalkii wasiirka:

“Haddiiba ay dhacdo inuu caalamku inaga caawi waayo doorashada labaad sida ay yidhaahdeen inkastoo aan anigu wali qabo inay inaga caawin doonaan waa waxaynu ku filanahay inagu, Somaliland miisaaniyadeedu waa illaa 300 oo Milyan oo dollar kharashka ku bixi doonaa doorashada lagama yaabo inuu lix illaa sideed milyan ka bato markaa wynu ka bixi karnaa xitaa haddii aynaan miisaaniyadda ka goyn dadkeena ayaaba bixin kara wax sidaas u sii wayn oo buuran runtii maaha markaa taas inaynu runtii ka cabsanaba maaha, haddii la inaga caawiyana wanaagsan haddii kalena inaga ayaa qabsan karna”.