Somaliland: “Nuxurka Dacwaddu Waa Inaany Musharraxnimada Jamaal Ahayn Mid Buuxda Iyo Inaanu Musharrax Rasmi Ah Ahayn”

0
878

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Oo Sharraxay Dulucda Dacwadda Ay Shalay U Fadhiisteen Dhegeysigeeda  ee La Xidhiidha Racfaankii Uu Guddoomiyaha UCID Ka Qaatay Qaraarkii GDUS&AAQ

 “Maanta Maxakamad Ahaan Wixii [Xukunka] Ka Soo Baxa  Waanu Ku Qancaynaa, Waayo Fursad Sharci Oo Ka Dembeysa   Maxakamadda Sare Oo La Tagaa Ma Jirto” – Qareen Maxamed Siciid Xirsi

Maxakamadda sare ee JSL ahna Maxakamadda Distooriga ah ee qaranka ayaa  shalay si rasmi ah maanta u bilowday dhegeysiga dacwad xaasaasi ah oo u dhaxaysay guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Eng. Feysal Cali Waraabe iyo garabka uu hoggaaminayo musharraxa kumeel gaadhka ah ee xisbigaasi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.  Dacwaddan oo barqadii ka bilaabantay Hoolka dhegeysiga dacwadaha ee maxakamadda sare ee JSL ahna maxakamadda Distooriga ah ee qaranka  waxaa  guddoominayay guddoomiyaha maxakamadda Sare Garyaqaan Aadan xaaji Cali Axmed, oo ay hareero fadhiyeen dhammaanba  garsoorayaashii maxakamadda sare oo iyagu ka soo xaadiray fadhigan, isaga oo guddoomiye Aadan Xaaji Cali uu sheegay in garsoorayaasha maxakamaddu dhammaantood xaadir u ahaadaan furitaanka dacwaddan iyo qaadisteeda, maadaama oo ay dacwaddani kamid tahay dacwadaha xaasaasiga ah oo go’aanka ama xukunka laga soo saari doonaa ay noqon doonto mid kama dembeys ah.

Fadhiga  Maxakamadda waxaa ka soo qayb galay oo dhegeystayaal ka ahaa  dad aad u tiro badan oo isugu jira masuuliyiin, aqoonyahanno, khubaro ururrada bulshada rayidka ah ka socda iyo taageerayaasha labada dhinac ee xisbiga UCID.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo ka hor intii aan la gudo gelin dacwadda u warramay ayaa sheegay in dacwaddani ay daba socoto qaraarkii ay guddida diiwaangelintu soo saareen, kaasi oo uu racfaan ka soo qaatay guddoomiyaha UCID, halka ay racfaansaneyaal ka yihiin Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaasi iyo guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed yuusuf (Cali Gurey).  Guddoomiyaha Maxakamadda sare waxaa uu sheegay in dacwaddan ay socon doonto muddo laba maalmood ah“Sida aad ogtihiin waxaa saaka  bilaabmaya dacwaddii u dhaxaysay labada garab ee xisbiga UCID, garabka uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe iyo garabka kale ee Musharraxa Xisbiga Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen  Iyo guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey). Dacwadduna maanta [shalay] oo ay bishu tahay 18-ka  Sep 2016 ayay bilaabmaysaa, waana dacwad racfaan ah oo uu guddoomiyaha xisbiga UCID iyo qareennadiisu racfaanle ka yihiin, racfaansaneyaalna ay ka yihiin dhinaca Jamaal iyo Cali Gurey”. Sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha maxakamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ka hor intii aanay maxakamadu bilaabin fadhiga dacwadda warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa. Waxaanu intaas ku daray isaga oo guddoomiyuhu sharraxaya qaabka ay dacwaddu tahay iyo qaanuunka ay waafajinayso maxakamaddu “waad ogtihiin oo waxaa dacwaddan go;aan hore ka soo gaadhay guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka, markaa waxaa racfaan u sooqaatay maxakamadda sare garabka uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga UCID, markaa maanta halkan bay ka furmaysaa waxaana u fadhiisanaya oo gelaya garsoorka maxakamadda sare oo buuxa , waxaa galay kow iyo tobanka  Garsoore ee ay maxakamaddu ka kooban tahay  waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha maxakammadda sare”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu. Sidoo kale waxaa uu sheegay sifooyinka ay dacwadaha noocan oo kale ahi leeyihiin iyo magaca sharci ee ay ku suntan yihiin “Dacwadaha noocan oo kale ah waxaa la yidhaahdaa full banch, maadaama ay garsoorayaashii maxakamadda sare dhammaantoodba galayaan oo ay soo saari doonaan qaraarkii ugu dembeeyey ee xukun ka dembeeyaa aanu jiraynin oo kama dambays uu noqonayo go’aankani. Dhegeysiga dacwadduna maanta [shalay] ayuu bilaabmayaa, waxaana laga yaabaa in uu illaa berri [maanta] socdo, go’aankana sida ugu dhakhsaha badan in aanu soo saarno ayaanu rejaynaynaa. Dhegeysiga dacwadunna wuu u furan yahay dhammaan dadka, ururrada bulshada, saxaafadda, dhinacyada ay dacwaddu u dhaxayso iyo ciddii kale ee dadweyne ah ee doonaysa inay dhagaystaanba way u furan tahay”. Sidaa ayuu yidhi guddoomiyaha maxakamadda sare ee distooriga ahi Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed. Waxa kale oo guddoomiyuhu ka hadlay waxyaabaha saldhiga u ah dacwaddan ee ay isku hayaan labada dhinac, “ Horta dulucda dooddu waxa weeye in dhinaca guddoomiyaha UCID uu ku doodayo Musharraxnimada Jamaal in aanay ahayn Musharraxnimo buuxda, isla markaana aanu ahayn Musharraxii rasmiga ahaa ee waa in uu dhamaystirto musharraxnimadiisa. Dhinaca kale ee Jamaalna Waxaa uu ku doodayaa anigu musharrax buuxa ayaan ahay, wixii iga dhimanna nidaam baan u marayaa, markaa nuxurka dooddu waa musharraxnimadiisa, guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf [Cali gurey] Isna dhinac buu doodda ka yahay”. Ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey guddoomiyeha maxakamadda sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali.

Dhinaca kale qareennada labada dhinac ee dacwaddu u dhaxayso oo ka hor intii aan fadhigu bilaabmin ay warbaahintu wax ka weydiisay dareenkooda iyo waxa ay ka filayaan maxakamadda sare ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey natiijada ay soo saari doonto maxakamadda, iyaga oo ballanqaaday in ay shuruud la’aan ku qaadan doonaan xukunka la soo saaro. Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo  kamid ahaa qareennada garabka Musharrax Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay dareenkiisa  la xidhiidha dacwaddan “ Maanta Maxakamaddu waa maxakamaddii sare oo dacwad racfaan ahi ka socoto, dacwaad ahaanna si caadi ah baanu u aragnaa, wixii ka soobaxa dacwaddana sidii maalintii hore aanu ugu qanacnay  ayaanu ugu qancaynaa immikana, waayo ma jirto fursad sharci oo  la tago oo ka dembeysa Maxakamadda sare ”. Ayuu yidhi qareenka u doodayay garabka racfaansaneyaasha dacwaddu. Sidoo kale  Garyaqaan Barkhad Jaamac Aar Oo isna kamid ahaa qareennada u doodayay garabka guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in si la mid ah sidii ay u qaabileen qaraarkii ay guddida diiwaangelintu ka soo saartay arrintan ay immikana u soo dhawaynayaan uguna qancayaan xukunka ay maxakamadda sare soo saarto. “ Maxakamadda waxaanu ka rejaynaynaa caddaalad iyo inay sharciga ku hoggaamiso dacwadda, mar labaadka waxaanu ka filaynaa go’aan caddaaladdeed, wixii ay kow iyo tobankaas xaakin ee dacwadda hayaa soo saaraanna waanu ku qancaynaa”. Ayuu yidhi garyaqaan Barkhad. Geesta kale  Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe oo isagu ah Racfaanlaha maxakamadda u soo gudbiyey dacwaddan iyo Musharraxa kumeel gaadhka ah ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isna qayb ka ah racfaansaneyaasha dacawaddan ayaa markii laga soo dareeray fadhigii maxakamadda ka hadlay dareeenkooda iyaga oo niyad sami ka muujiyey filashadooda.