Kulan saaka ay wada-yeesheen madaxda,hoggaanka iyo guddida fulinta Xisbiga WADDANI, ayaa waxa laga soo saaray War-Murtiyeed ku saabsan Mawqifka Xisbiga WADDANI ee dib-u-dhaca Doorashada Wakiilada Somaliland, waxaana sidoo kale si aada looggu taageeray go’aankii aybeesha caalamku ka soo saartay Muddo Kordhinta Arrimaha Doorashooyinka Somaliland

War-Murtiyeed:

Maanta oo taariikhdu tahay 18 September waxa uu Xisbiga Waddani shir ku qabsaday hotel maansoor kaasoo ay kasoo qaybgaleen hoggaankasare iyo guddiga fulinta, shirkaas oo lagaga arinsanayey guud ahaan xaaladda dalka iyo gaar ahaan wareegtadii madaxweynaha ee kala qaadista doorashada golaha wakiilada iyo ta madaxtooyada iyo mawqifka uu xisbiga waddani ee wareegtadaas.
Mawqifka xisbiga.
1. Saddexda Xisbi qaran waxay madaxwaynaha kalsooni buuxda ku siiyeen xallinta saami qaybsiga golaha wakiiladda waxaanay u ballan qaadeen in ay ku raaci doonaan go’aan kasta oo uu xal u arko oo uu kasoo saaro saluugga gobolada dalka iyo saami qaybsiga kuraasta golaha wakiladda, maaddaama ay tahay waajibaadka xukuumadda.
2. Xisbiga Waddani wuxu cambaaraynayaa isla markaana u arkaa sharci darro nuxurka qoraalka Madaxweynuhu u gudbiyey golaha baarlamaanka ee ku saabsan kala qaadista labada doorasho (wakilada & Madaxtooyada), iyadoo hawsha doorashada loo igmahday Gudiga Doorashooyinka Qaranka.
3. Xisbiga waddani wuxu ayidsan yahay g’oaankii Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay wada qabashada labada doorasho oo ah in ay qabsoonto 28/3/2017.
4. Xisbiga Waddani wuxu ayidsan yahay go’aankii ay ku caddeeyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku in ay diyaar u yihiin qabsoomida labada doorasho muddadii loo cayimay oo ah 28/03/2017.
5. Xisbiga Wadani wuxu xasuusinayaa MW Axmed Maxamed Siilaanyo in uu qaato go’aan la mid ah kii uu qaatay Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee suurto gal ka dhigay qabsoomiddii doorashada golaha wakiiladda ee qabsoontay 2005.
6. Xisbiga waddani wuxu taageersan yahay si weynna u ayidayaa baaqii beesha caalamka iyo taageerayaasha doorashooyinka Somaaliland ay ka soo saareen wareegtada qayrul sharciga ah oo aanu aaminsanhay in madaxaynaha la hoosdhigay.
7. Xisbiga waddani wuxu u taagan yahay badbaadada qarnimada Somaliland waxaanu ka soo horjeedaa wax kasta oo lagu carqaladaynayo qabsoomidda doorashooyinka oo ina dhaxal siin kara burbur aan laga soo kaban Karin.
8. Xisbiga waddani wuxu ugu baaqayaa shacabka Somaliland ilaalinta wadajirka ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadinta qaranimada Somaliland