Somaliland: Xisbiga KULMIYE Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Sameeyey Siyaasiyiin Ka Mid Ahaa Xisbigii UDUB Iyo Xubno Iska Casilay WADDANI

0
844

Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan u sameeyey siyaasiyiin ka mid ahaa haldoorkii xisbigii saaxadda ka baxay ee UDUB iyo xubno iska casilay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Xaflad bilicsan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa hoggaanka KULMIYE iyo kaadirka xisbigu ku soo dhaweeyeen xubno siyaasiyiin soo maray wasiirro iyo xilal kale oo kala duwan iyo taageerayaashooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Nuux Axmed Cismaan, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir, Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Axmed Maxamed Filanwaa, siyaasi Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, xildhibaan hore Ismaaciil Mire Maxamed, Sacad Sheekh Cabdiraxmaan, Naasir Qallinle iyo Mujaahid Xasan Ganey, halka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo is-gaadhsiinta Cali Cilmi Geelle oo isagu ka mid ahaa Guddiga Fulinta ee xisbiga WADDANI uu halkaasi ka shaaciyey inuu ka baxay xisbigaasi, kuna soo biiray xisbiga KULMIYE.

muuse-iyo-saylici muuse-sa muuse-saylici kulmiye