Somaliland: Xisbiga KULMIYE Oo Daadifeeyey Aragtida Beesha Caalamku Ka Muujisay Kala Qaadista Doorashooyinka, Kuna Tilmaamay Inaannay Ku Dhisnayn Xaqiiqo & Xog-ogaalnimo

0
817

“Beesha Caalamku haddii ay bixin weydo dhaqaalaha Doorashada Golaha Wakiilada, Dawlada Somaliland ayaa bixinaysa oo way qabsoomaysaa…” Xisbiga Muxaafidka Ah Ee KULMIYE

Hargeysa, 18 Sep, 2016 (Himilo)-Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa daadifeeyey  aragtida Beesha Caalamku ka qaadatay go’aanka Madaxweynaha Somaliland uu soo saaray toddobaadkii hore ee ku saabsanaa kala qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, islamarkaana soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynaha iyo Ansixintii golaha Wakiilada ee go’aankaasi, sidaa awgeedna sheegay inay  Beesha Caalamku garwaaqsan doonto inaan waqtiga ka hadhay xilligii hore loogu cayimay qabsoomida doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda aan lagu dhameyn Karin arrinta Saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada, haddii ay Beesha caalamku bixin weydo dhaqaalaha ku baxay doorashada Golaha Wakiiladana ay dawlada Somaliland bixin doonto dhaqaalahaasi, doorashada Golaha Wakiiladunu ay qabsoomi doonto.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel) oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Himilo ayaa ugu horreyn jawaab ka bixiyey sida uu arko Aragtida Beesha Caalamku ka qaadatay go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland ee kala qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, waxaanu yidhi:- “Beesha Caalamku may odhan waxba bixin mayno, balse wallaac ayaanu ka muujinaynaa ayey yidhaahdeen iyo Madaxweynaha waxaanu ugu baaqaynaa inuu arrintaa ka noqdo oo labadii doorasho mar lawada qabto, taasina waxay muujinaysaa in Beesha Caalamka ay xog fara badani ka dhiman tahay, waayo waqtigan ay leeyihiin waa lagu maarayn karayaa arrinta saami qaybsiga ee doorashada ka hadhay maaha waqti ku filan amase aragti ka tarjumaysa xaqiiqada iyo miisaanka ay leedahay arrintani, markaa Beesha Caalamku waxay rumeysan yihiin waan akhriyey qoraalkooda oo sida ay u dhigayaan waxa weeyi in hawshan lagu dhameystiri karayo bilaha ka hadhay March 2016, taasi oo aan suurto gal aheyn in lagu dhameystiro”.

Jaamac Shabeel oo ka jawaabayey su’aal Wargeyska Himilo weydiiyey oo aheyd, haddii Beesha Caalamku baaqooda la tixgalinwaayo oo ay bixin waayaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada Golaha Wakiilada ayaa waxa uu yidhi “Beesha Caalamku marka ay arkaan xaqiiqada ama miisaanka ay yeelato hawsha saami qaybsigu way ku qanci doonaan oo way garraabi doonaan, haddii kale Doorashada Golaha Wakiilada inaga ayaa qabsan doona oo dawladda ayaa bixin doonta dhaqaalaha ku baxaya, waayo taageerada dhaqaale ee ay ku bixinayaan doorashada Madaxtooyada hadal may galin, balse ta ay wallaaca ka muujiyeen waa taageerada dhaqaale ee ay ku bixin lahaayeen doorashada Golaha Wakiilada, Doorashada Golaha Wakiiladana haddii ay bixin waayaan dhaqaalihii ay inagu taageeri jireen way qabsoomaysaa oo dawlada ayaa bixinaysa, balse si loo gaadho xal waara waanu ku rajo weynahay inay bixin doonaan”.

Gabagabadiina Jaamac Shabeel waxa uu ka hadlay aragtida Xisbiga Kulmiye ee ku aadan Go’aanka Madaxweynaha ee kala qaadista Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda “Xisbi ahaan waanu taageersanahay Ansixinta Golaha Wakiilada ee go’aankii Madaxweynaha, waayo, marka hore go’aankii aanu Madaxweynaha u gudbinayey saddexdayada Xisbi ayaa ahaa inaanu taageerno go’aanka uu Madaxweynuhu ka gaadho, mar haddii anagu Xisbiyo ahaan aanu dhameyn kari waynay, oo xattaa soo jeedin aanu sameyn kari weynay, waa inaanu ku taageerno wixii go’aan ah ee uu soo saaro Madaxweynuhu, waakaa Mawqifka Xisbiga Kulmiye oo ah inaanu taageersanahay sidii aanu hore u ballan qaadnay ee aanu u saxeexnay, Golaha Wakiiladuna inay ansixinayaan Macruuf ayey aheyd”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige.